Xanta Suuqa Ee Maanta Iyo Zidane Oo Doortay United Halki Uu Bayern Ka Qaban Lahaay

Laacibkii Hore Ee Real Madrid Zinedine Zinedine  Ayaa Si Dhaw Ula Socda Xaalada Macalinka Man United Ee Erik Tenhag Wuxuuna Doorbiyadaa Inuu Shaqadaas Qabto Halki Uu Ka Qaban Lahaa Shaqada Bayern Munich ( L’Equipe ) Ayaa Qortay .

Bayern Munich Wali Ma Aysan La Xiriirin Zidane Ayadoo Dhamaadka Fasalkaan Uu Bixi Doono Macalinkooda Thomas Tuchel.

Macalinkii Hore Ee United Mudane Ralf Rangnick Oo Hadda Ah Macalinka Xulka Austria Ayaa Lagala Xaajooday Suurtagalnimada Uu Ku Qabanyo Shaqada Bayern Halka Roberto De Zerbi Uu Isagane Kujiro Liiska Ay Macquulka Tahay Inuu Qabto Shaqadaas  ( Sky Germany) Ayaa Qoraya .

Mashiinka Qadka Dhexe Ee Kooxda Newcastle United Iyo Xulka Brazil  Bruno Guimaraes Ayaa Cadeeyey Inuu Siijoogayo Dhankaa Iyo St James Park  Xagaayga Soo Socda Kadib Markii Uu Guri Ka Iibsaday Waqooyi Bari Ee Magaaladaas  ( Telegraph) Ayaa Qoreyso.

Man United Ayaa Laga Yaabaa In Ay Hesho £3.4M Oo Dheeri Ah Oo Ku Aadan Amaahda Sancho Hadii Borussia Dortmund Gaarto Final-ka Koobka Champions league (Times) Ayaa Qoraya .

Laacibka Garabka Bidix Ee Reer Netherlands Ian Maatsan Oo 22 Jir Ah Una Ciyaara Dortmund Balse Milkiyadiisa Leedahay Chelsea Wuxuu Usheegay Chelsea Inuu Doonayo Inuu Katago Islamarkaana Uu Ku Nagaado Kooxda Uu Amaahdo Ugu Joogo Ee Dortmund ( Sky Sport Germany) Ayaa Qoraya .

Manchester United Ayaa La Kulmeysa Tartan Adag Oo Ku Aadan Saxiixa Difaaca Reer France Iyo Kooxda Nice Ee Jean-Clair Todibo Kaasoo Ahaay Mid Ay Inmuddo Ah Bursanayeen Waxa Ayna Tartan Adag Lagalayaan Atlético Madrid Oo Kusoo Biirtay Xiisaha Difaacaan Reer France ( Mirror) Ayaa Qoreysa .

Bayern Munich Ayaa Xiiseyneysa Saxiixa Xiddiga Qadka Dhexe Ee 26 Jirka Ah Ee Kooxda Barcelona Frankie De Jong Kaasoo Lagu Qiimeeyey Adduun Lacageed Oo Gaaraya 60 Illaa Iyo 70 Milyan Oo Euro (Relevo – In Spanish) .

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles