Xanta Suuqa Kala Iibsiga Iyo Ralf Rangnick Oo Kusii Jeeda Munich

Madaxa Kooxda Bayern Munich Uli Hoeneb Ayaa Xaqiijiyey In Ay Jiraan Wadahadal U Socda Kooxdiisa Bayern Iyo Macalinka Xulka Austria Ee Prof. Ralf Rangnick Macalinkii Hore Ee United .

Bayern Ayaa Sida Lasheegay Macalinkaan Urabto Inuu Maamulo Hal Xilli Ciyaareed Oo Kumeel Gaar Ah Si Ay Ugu Sugtaan Xavi Alonso Oo Sanad Dheeri Ah Sii Maamuli Doono Leverkusen Ama Klop Oo Qaadan Doono Sanad Nasasho Ah Kadib Markuu Shaqadiisa Liverpool Dhameysto Xilli Ciyaareedkaan.

Hoenes Oo Wax Laga Weydiiyey Xiriirkooda Ku’aadan Ralf Rangnick Wuxuu Yiri ” Haa Waxaa Jiro Wada Aan Laleenahay Ralf Rangnick, Waxaan Rajeynaa Inaan Go’aan Gaari Doonno Isbuuc Gudihiis” .

Enrique Muxuu Kayiri Senny Mayulu.

Macalinka PSG Luis Enrique Ayaa Ammaanay Xiddiga Da’da Yar Ee Kooxdiisa Kaasoo Lagu Magacaabo Senny Mayulu Oo Wacdaro Kadhigay Kulankii Kooxdiisa PSG 1-4 Kaga Badisay Kooxda  Lorient  Kulan Katirsanaa Horyaalka Wuxuuna Sameeyey Caawin.

Senny Mayulu Waa 17 Jir U Ciyaara Juunyarka France Iyo PSG U19 Waaweynkana Ciyaaray Kaliya 4 Kulan 2 Uu Kusoo Bilaawday Labada Kale Badal Ayuu Kusoo Galay Waa Qad Dhexe Mustaqbal Fiican Leh Enrique Asigoo Kahadlaya Wuxuu Yiri ” Isaga Waa Mid Kamid Ah Waxyaabaha Layaabka Nagu Noqday Xilli Ciyaareedkaan Wuxuu Ku Haboonyahay Habka Aan U Ciyaaro”.

” Wuxuu Doonayaa Inuu Qandraas Cusub Saxiixo Anigane Waa Kufaraxsanahay Arrintaas, Mustaqbalka Wuxuu Inoo Noqon Doonaa Mid Noo Muhiim Ah” Ayuu Hadalkiisa Kusoo Gaba Gabeeyey .

Soo Laabashada Timber .

Macalin Arteta Ayaa Xaqiijiyey In Difaaciisa Dhaawaca Dheer Kumaqnaay Ee Jurrien Timber Uu Diyaar Uyahay Inuu Garoomada Kusoo Laabto Waliba Tijaabooyin Uusoo Maray Asigoo Yaryarka Laciyaaray Hadane Uu Diyaar Uyahay Kulanka Isbuucan .

Arteta Oo Kahadlaya Arrintaasna Wuxuu Yiri “Waxaan Xaqiijin  Karaa Taas In Ay Aad Udhawdahay Hadda” Soo Laabashada Timber Ayuu Kawadaa ” Go’aan Ayaa Ka Gaari Doonnaa Birri Arrintaas” Wuxuu Kawadaa Inuu Safaayo Iyo Inkale Taasna Waa Sugeynaa Siduu Xaalkq Noqdo Iyo Go’aanka Uu Arteta Qaato Hadii Uu Kula Soo Dag Dagaayo Iyo Haduu Waqti Siinaayo .

Soo Laabashada Mount.

Macalin Tenhag Ayaa Sheegay In La Rajeynayo In  Mason Mount Uu Kusoo Laaban Doono Kooxda Si Uu Qeyb Uga Noqdo Kulanka Aay Wajahayaan Kooxda Burnley Isbuucaan.

Wuxuu Yiri ” Waa Larajeynaa In Mason Mount Uu Kusoo Laabto Squad-ka Kooxda Si Uu Uwajaho Burnley, Dhinaca  Kale Waan Arki Doonnaa Inaan Heli Karno Shaw, Martinez Iyo Martial Inta Kadhiman  Season-ka”.

Soo Laabashada Palmer .

Pochettino Ayaa Xaqiijiyey In Cole Palmer Uusoo Laaban Doono Kulanka Ay Kooxdiisa Wajaheyso Aston Villa Wuxuuna Qirtay In Ay Dhibtoodeen Maqnaanshihiisa Kulankii London Derby Ee Kooxdiisa Lagu Xaaqay 5-0 Marki Ay U Martiyeen Arsenal Oo Emirates Stadium Joogtay .

Wuxuu Yiri ” Ugu Danbeyn Waa Xaqiiqo Cole  Palmer Waa Ciyaaryahaan Noo Muhiim Ah Oo Furaheena Ah, Taasna Wuu Muujinayaa Waan Dhibaatoonnaa Xoogaha La’aantiis Taasna Waa Xaqiiqada Jirta Oo Aanan Qarin Karin”.

Ekitike Iyo Katagidiisa PSG .

  • Hugo Ekitike Ayaa Isaga Hayaamaya PSG Asigoo U Ruqaansanaya Dhankaa Iyo Jarmalka Kooxda Eintracht Frankfurt Waxaa Jira Buy Option Clause  Ah Oo Xiddigaan Kuxiran Waxaana PSG Heleysaa €16.5M Oo Lagu Daray €3.5M Oo Lacag Amaah Ah Oo Ay Horey Uheshay Bilaawga Sanadkaan Ee January Sidoo Kale PSG Waxa Ay Iibineysaa Clause-ka Kudhawaad 30% Boqolkiiba .

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles