Xanta Suuqa Kala Iibsiga, Xavi Oo Barcelona Sii Joogaya Iyo Dhaawaca Enzo Fernández.

Macalinka Barcelona Xavi Hernandez Ayaa Aqbalay Inuu Sii Maamulo Kooxdiisa Barcelona Kadib Markii Uu Horaantii Fasalkaan Sheegay Inuu Dhamaadka Xagaaygaan Katagaayo Kooxda Balse Wadahadal Dheer Kadib Waa Uu Ku Qancay Qorshaha Kooxda .

Xavi Wuxuu Dacwad Kaqabay Inuusan Go’aan Ku Laheynin Suuqa Kala Iibsiga Islamarkaana Uusan Keensan Karin Waxa Uu Dooqday Oo Deco Oo Agaasimaha Ah Uu Lahaay Kaliya Dooqa Soo Iibista Balse Hadda Asiga Ayaa Wuxuu Rabo Dalbanaayo Deco-na Wuxuu Xavi Dalbado Ayuu Keenayaa Kaligiis Go’aan Magaari Karo .

Xavi asigoo Kahadlaya Arrintaasna Wuxuu Yiri Sidaan ” Waan Badalay Maskaxdeyda Maxaa Yeelay Waxaan Kalsooni Kadareemaya Madaxweynaha, Maamulka Iyo Dhammaan Ciyaartoyda Sidoo Kale Mashruucaan Wali Ma Dhamaanin”.

” Aniga Iyo Shaqaaheyga Dhammaanteen  Waxaa Dareemeynaa Inaan Heysano Awood Ku Sameyno Waxyaabo Muhiim Ah Oo Aan Mashruucaan Kusii Wadno ” Sidaas Ayuu Kusoo Qatimay Hadalkiisa .

Wacdaraha Luis Guilherme Iyo Kooxaha Xiiseynaya.

Luis Guilherme Xiddiga Reer Brazio Ee Kooxda Palmeiras Ayaa Dhaliyey Goolkiisi Ugu Horreeyey Copa Libertadores Xilli Habeennimo Ah Asigoo 18 Sano Jir Ah .

Xiddigaan Da’da Yar Ayaa Bartilmaameed U Ahaay Liverpool Waxaana Heshiiskiisa Lagu Burburin Karaa €55M Oo Euro Sida Wararka Qaar Sheegayaan Liverpool Wax Dalab Rasmi Wali Kama Gudbinin Ayadoo Sidoo Kale Ay Jiraan Kooxo Kale Oo Doonayaan Xiddigaan Mustaqbalka Fiican Leh Waxaana Kamid Ah Arsenal Iyo Bayern Munich.

Youssouf Fofana Iyo Bixitaankiisa .

Kooxo Badan Ayaa Xiiseynayaan Mashiinka Qadka Dhexe Ee Kooxda Monaco Iyo Xulka France Youssouf Fofana Kaasoo Qandaraaskiisa Uu Dhacaayo June 2025 Mana Jiro Wax Wadahadal Ah Oo Fofana Iyo Monaco Uscodaan Waqtigaan .

PSG Oo Lafahamsanaay Inay Bartilmaameed Kadhiganeysay Xiddigaan Ayaa Hadda Aysan Kamuuqanin Wax Firfircooni Ah Oo Ku Aadan U Dhaqaaqista Xiddigaan Waxaa Kaloo Ayadana Jirto In Qaar Kamid Ah Kooxaha Serie A -da Italy Ay Doonayaan .

Tah Iyo Joogistiisa Leverkusen

Rolfes Oo Ah Agaasimaha Kooxda Bayern Leverkusen Ayaa Qeexay In Kooxdiisa Dooneyso In Ay Sii Heysato Difaacooda Reer Germany Ee Jonathan Tah Kaas Oo Qandaraaskiisa Uu Ku Ekyahay June 2025 .

Wuxuu Mr Rolfes Yiri ” Waxaan Dooneynaa Inaan Sii Heysano Jonathan Tah Oo Aan Sii Dheereyno Qandaraaskiisa Waxkabadan 2025 Waxaan Kahadli Doonnaa Arrintaas Dhammaadka Xilli Ciyaareedkaan”.

Dhaawaca Enzo Fernández.

Laacibka Qadka Dhexe Ee Kooxda Chelsea Iyo Xulka Argentina Enzo Fernández Ayaa Seegaya Inta Kadhiman Xilli Ciyaareedkaan Kadib Markii Lagu Sameeyey Qaliin Wuxuuna Dareemayey Xanuun Bilihii Ugu Danbeeyey .

Wuxuu Maqnaan Doonaa Dhoor Todobaad Wuxuuna Soo Laaban Doonaa Bilaawga Xilli Ciyaareedka Danbo Wuxuuna Sidoo Kale Jaanis U Heystaa Inuu Ciyaaro Copa América.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles