(Xanta Suuqa) Napoli Oo Dar Dar Galineysa Heshiiska Alessandro Buongiorno Iyo Qodobo Kale Oo Xiiso Leh

Kooxda Napoli Ayaa Hore Udhaqaajineysa Qorshaha Ay Kula Soo Saxiixaneyso Difaaca Dhexe Ee Kooxda Torino Alessandro Buongiorno Kaasoo Ay Hadda Dar Dargalininayaan Heshiiskiisa Shaqsiga Ah .

Antonio Conte Oo Ah Macalinka Leylin Doono Kooxda Napoli Xagaaga Soo Socda Ayaa U Arka Difaacaan Mid Kuhaboon Qorshaha Kooxdiisa Wuxuuna Maamulka Ku Riixayaa Sidii Dhaqsi Loogu Dhameyn Lahaay Heshiiska Difaacaan Mana Jirto Wali Wax Wada Hadal Ah Oo Lala Leeyashay Kooxda Uu Uciyaaro Ee Torino Balse Ayaa Arrintaas Qorshaheeda Ayey Wadaan Maamulka.

Ortega Iyo City Oo Sii Wada Shaqeynayaan .

Goolhaya Labaad Ee Kooxda Man City Stefan Ortega Ayaa Saxiixay Heshiis Cusub Oo Uu Kujoogaayo Gigada Etihad Stadium Ilaa Iyo 2026 Taasoo Ah 2da Sano Ee Soo Socota .

Ortega Waxa Uu Lahaay Fursado Uu Kooxo Kale Ugu Biiri Karo Maadaama Uusan Aheyn Dooqa Koobaad Ee Macalin Pep Balse Wuxuu Go’aansaday Inuu Sii Joogo Halkaas Fursadiisana Iska Sugto Maadaama Éderson Da’da Sii Qabaneyso Macquulna Tahay Inuu Sacuudiga U Baqoolo Sidaasna Uu Jaaniskiisa Kaga Faa’iideysto Asigoo Sanadkaan Dhoor Kulan City Badbaadiyey Marar Uu Jaanis Kuhelay Dhaawacyada Soo Laalaabtay Ee  Éderson Wuxuuna Muujiyey Tayadiisa  Ku’aadan Inuu Noqon Karo Goolhaye 1-aad.

Axel Witsel Iyo Simeone Oo Sii Wada Shaqeynayaan.

Laacibka Qadka Dhexe Ee Reer Belgium Iyo Kooxda Atlético Madrid Axel Witsel Ayaa Ku Faraxsan Sii Joogitaanka Gigada Caanka Ah Ee Wanda Metropolitano Ee Atlético Madrid .

35 Jirkaan 2 Sano Kahor Kaga Soo Biiray Kooxda Borussia Dortmund Wuxuu Doonayaa Inuu Sanad Kale Oo Dheeri Ah Uusii Joogo Magaalada Madrid Sidoo Kale Macalinkiisa Diego Simeone Ayaa Asigane U Arka Laacibkaan Mid  Muhiim U Ah Qorshaha  Kooxda .

Qorshaha Man City Ee Julián Álvarez.

Weeraryahaanka Reer Argentine Iyo Kooxda Man City Julián Álvarez Ayaa Maalmahaan Lagu Waday In Kooxda Man City Ay Kufasaxeyso Qaab Ammaah Ah Balse Warkaas Gaashaanka Ayey U Daruureen Waxa Ayna Cadeeyeen Inuusan Qorshaha Ugu Jirin Ammaah Ama Iib Midna .

Laacibkaan Ayaa Badanaa Fadhiyey Kursiga Keydka Qeybihii Danbe Ee Horyaalkii EPL Ee Bishii Hore Soo Idlaaday Wuxuuna Laacibkaan Quudareynayaa Inuu Waxbadan Ciyaaro Si Booska Xulkiisa Uxajisto Mustaqbalkiisana Uusan Udhumin .

Man City Qorshaheeda Waa Cadyahay Ma Dooneyso In Ay Lumiso Laacibkaan Waxaana Dhinaca Kale Jiro In PSG Aay Dhawaantaan Laxiriirtay Wakiilka Julián Ayagoo Kala Hadlay Suurtagalnimada Ah In Ay Lawareegi Karaan Waa Arkeynaa Sida Ay Wax Noqdaan .

Robin Gosens Iyo Union Berlin Oo Kala Tagaya.

29 Jirka Dambeedka Bidix Ee Xulka Germany Iyo Union Berlin Robin Gosens Ayaa Qorsheynayaa Inuu Isaga Tago Kooxdiisa Xagaaga Fooda Inagu Soo Haayo .

Difaacii Hore Ee Atlanta Iyo Inter Milan Gosens Wuxuu Helayaa Dalabyo Dhoor Ah Oo Ku’aadan Xiisaha Loo Qabo Wuxuuna Doonayaa Inuu Kafaa’diisto Dalabyadaas Berlin-na Isaga Tago Maadaama 2 Xilli Ciyaareed Uu Kusoo Qaatay Halkaas .

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles