(Xanta Suuqa) Nuri Sahin Oo Noqonaya Tababare , United Oo Wali Xiiseyneysa Branthwaite Iyo Qodobo Kale Oo Xiiso Leh

Jarrad Branthwaite Ayaa Baaqi Kusii Ahaanaya Mid Kamid Ah Dooqyada Aay Kooxda Manchester United Xiiseyneyso  Kuwaasoo Kaciyaaraan Booska Difaaca Dhexe.

Wax Horay Loo Dhaqaajiyey Malahan Labada Dhinacbo Qorshaha Iibkaan Maxaa Yeelay Everton Qorshaha Uguma Jirto In Ay Ku Iibiso Difaacaan Waxkayar £65m Ilaa 70m Waxwalbo United Ayey Kuxirantahay Ayadoo  Branthwaite Uu Xiiseynaya Inuu Dhaqaaqo.

Coleman Oo Sii Joogaya Everton.

Dambeedka Midig Ee Difaaca Everton Ninka Lagu Magacaabo Seamus Coleman Ayaa Saxiixaya Heshiis Cusub Kaasuu Uukusii Joogayo Ilaa Iyo June 2025 .

Mats Hummels Iyo Dortmund Oo Kala Tagayaan.

Difaaca Rug Cadaayga Ah Ee Reer Jarmal Mats Hummels Ayaa Macsalaameyn  Buuxda Udiray Jamaahiirta, Maamulka Iyo Dhammaan Kooxda Dortmund Kadib Markuu Go’aansaday Inuu Katago Kooxdaan Si Beeca Xorta Ah .

Wuxuu Usoo Diray Fariin Qiiro Leh Taasoo Uu Uga Hadlaayey Mudadii Uusoo Bilaabay Safarka Dortmund 2008 Illaa Iyo Hadda Taasoo Uu Aad Uga Mahadceliyey Shaqsi Kasta Oo Uu Lasoo Shaqeeyey Iyo Shaqsi Kastoo Taageero Umuujisyey Mudadii Uu Kooxdaan Kusugnaa.

Madrid Oo Wali Isha La Raaceyso Xaalada Alphonso Davies.

Los Blancos Ayaa Wali Ka Raja Dhigin Xiisaha Ay U Qabaan Dambeedka Bidix Ee Difaaca Kooxda Bayern Munich Alphonso Davies Kaasoo Wali Mustaqbalkiisa Aanan Laxalinin Waxaana Ay Madrid Sugeysaa Go’aanka Kama danbeysta Ah Ee Davies.

Wax Go’aan Ah Wali Lama Gaarin Balse Dhawaan Waxaa La Rajeynaa Inuu Soo Baxo Go’aanka Kama Danbeysta Ah Waana Kawardhowreynaa .

Chelsea Oo Ceshaneysa Da’yarka Talent-ga Leh Ee George.

Chelsea Ayaa Lagu Wadaa In Ay Heshiis cusub Kasaxiixato Da’yarkooda 18 jirka Ah Ee Weerarka Kaciyaara Kaasoo Lagu Magacaabo Tyrique George.

Laacibkaan Ayaa Loo Arkaa Mid Mustaqbal Fiican Waqtiyada Soo Socdana Uu Qarxi Doono  Sida Wararka Inta Badan Sheegayaanna Waa In Heshiiska Afka Ah La Isku Afgartay .

Frimpong Iyo Barcelona Maxaa Kala Heysta.

Dambeedka Midig Ee Difaaca Kooxda Bayern Leverkusen Jeremie Frimpong Ayaa Lagu Wadaa Inuu U Dhaqaaqo Kooxda Barcelona Sida Ay Qorayaan Qaar Kamid Ah Wargeysyada Kafaalooda Sports-ka.

Balse Frimpong Oo Arrintaas Kajawaabaya Ayaa Tilmaamay In Waxaas Dhan Yihiin Xan Oo Kaliya Asigane Uusan Jecleyn Wararka Xanta Ah Qofwalba Ayaa Wuxuu Doono Iska Dhihi Kara Ayuu Usheegay ESPN Waxaana Heshiiskiisa Lagu Jibin Karaa €40m Oo Euro.

Gallagher Iyo Qorsha Aston Villa.

Conor Gallagher Mihnad Ma Siinayo Wadahadallada Udhaxeeyo Chelsea Iyo Aston Villa Kuwaasoo Ku aadan Isdhaafsi Kusaabsan Isaga Iyo Jhon Durán.

Gallagher Wuxuu Hadda Diirada Saarayaa Koobka Euro Ee Caawa Kafurmayo Jarmalka Kadib Koobkaas Ayuuna Go’aan Ka Gaari Doonaa Mustaqbalkiisa Walina Wuxuu Ku Faraxsanyahay Chelsea.

Kala Badalashada Jhon Durán Waxaa Laga Yaabaa In Laga Dhigo Ciyaartoy Maadaama Gallagher Wali Chelsea Ku Faraxsanyahay Heshiiskaanne Laga Yaabo Kahor Euro Inuu Dhaco .

Nuri Sahin Oo Badalaya Edin Terzić.

Kooxda Borussia Dortmund Ayaa U Magacaawday Laacibkooda Hore Ee Qadka Dhexe Kaga Ciyaari Jiray Ee Nuri Sahin Macalinka Cusub Ee Kooxdaas Maamuli Doono Xilli Ciyaareedka Soo Socda Kadib Markii Edin Terzić Uu Shaqada Katagay .

Nuri Sahin Wuxuu Kamid Ahaa Shaqaalaha Qolka Dharbadalshada Kooxda Tan Iyo Janaayo Bilaawga Sanadkaan Ilaa Iyo Final-kii Wembley Ee Dortmund Iyo Madrid Kaasoo Madrid 0-2 Ku Qaaday Waxaana Hadda Loo Magacaabay Macalinka Cusub Ee Kooxdaas Nasiib Ayaa U Rajeyneynaa .

Josep Martínez Iyo Inter Oo Midoobaya .

Kooxda Inter Milan Ayaa Heshiiska Shaqsiga Ah Lagaartay Goolahayaha Reer Spain Iyo Kooxda Genoa Josep Martínez Kaasoo Aay Doonayaan In Ay Kuxoojiyaan Safkooda Fasalka Soo Socda .

Wadahadallada Udhaxeeyo Labada Dhinac Meel Fiican Ayuu Maraa Waxaana La Qrosheynaa In €10m Euro Iyo Hal Ciyaaryahaan Lagu Dhameeyo Soo Xero Galinta Goolhayaan Muhiimka Ah.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles