(Xanta Suuqa) Pochettino Muxuu Kayiri Bandhiga Jacson, Kaaliyaha Klop Oo Macalin Rasmi Ah Noqonaya Iyo Qodobo Kale Oo Xiiso Leh

Pochettino Oo Amaanay Nicolas Jackson.

Macalinka Reer Argentine Iyo Kooxda Chelsea Mauricio Pochettino Ayaa Ammaan Kala Duldhahay Laacibka Afka Hore Ee Weerarka Kaga Ciyaara Kooxda Chelsea Ee Nicolas Jackson.

Wuxuu Yiri ” Nico Jackson Wuxuu Awood Uleeyahay Inuu Noqdo Weeraryahaan Cajiib Ah Waana Dadaal yo Waqti Kadib”  .

” Si Adag Ayuu U Shaqeynaayey Fikrada Ayuu Badalooyaa Waana Ku Faraxsanahay In Dadka Bilaabeen In Ay Wanaagaas Arkaan Nico Sida Annaga Hore Ugu Aragnay” Ayuu Kusoo Qatimay.

Dhinaca Kale Kooxda Chelsea Maalmahaan Wadada Guulaha Ayey Kusoo Dhacday Waliba Waa Isla Jaanqaaday Waxaana Uu Hadda Hankoodu Yahay Tartan Yurub Ah In Ay Kasoo Qeybgalaan Caawana Waxa Ay Kulan Adag Ku Wajahayaan Kooxda Brighton Waxaana Booska Yurub Kaxigta Newcastle Oo Min 57 Dhibcood Isla Leeyihiin Ayagana Caawa Man United Ayey Wajahayaan Ayadoo United Leedahay 54 Dhibcood Hadii United Badiso Chelsea-na Laga Badiyo Kulanka Axadda Soo Socda Xiiso Ayuu Yeelan Doonaa 3 Kooxood Ayaa Conference League Ku Tartami Doonaan Waana Arrin Xiiso Leh Waa Arki Doonnaa .

Tenhag Muxuu Kayiri Taageerayaasha United?

Macalinka United Erik Tenhag Ayaa Rajo Ka Muujinaya Sijoogistiisa Ku Aadan Kooxda United Asigoo Ku Andacoonaya Inuu Kooxda Wax Badan U Qabtay Ayadoo Dhaawacyo La Daala Dhaceyso Hadane Uu Rajeynaayo Caawa Iyo Kulanka Isbuucaan Badiyo Si Kooxda Koob Yurub Ah U Keeno FA-CUP-kana Ay Ka Qaadaan Dhigooda City Si Maamulka Uu Waji Uga Sameysto Waxqabadna Uu Tusiyo.

Waxa Uu Yiri ” Taageerayaasha Marwalba Kooxda Wey Dhiiro Galiyaan Anigane Ahaanne Lamid  Waa I Dhiiro Galiyaan Sidoo Kale Marki Aan Wadada Joogana Qaar Badan Badan Ayaa Ii Imaadaan Taageerayaasha Waa Kawarhaayaan In Kooxda Kujirto Xaalad Kala Guur Ah Weyna Fahmi Karaan Dhibaatooyinka Waaweyn Ee Nasoo Maray Boosaska Iyo Meelaha Muhiimka Ah”

Qorshaha Chelsea Ee Willian Estêvão.

Kooxda Chelsea Ayaa Diyaarisay Qorshe Hormar Leh Kaasoo Ay U Dirtay Dhigoo Kooxda Palmeiras Oo Ay Kadoonayaan Laacibkooda Willian Estêvão Kadib Markii Ay Heshiiska shaqsiga Ah Isla Garteen Laacibka Isbuuci Lasoo Dhaafay .

Bayern Munich Oo Katirsan Kooxaha Xiiseynaya Laacibkaan Wali Qorsha Muuqda Masoo Bandhigin Balse Chelsea Ayaa U Muuqato Mid Hogaamineyso Tartanka Laacibkaan Laacibka Waa Is Afgarteen Balse Kooxda Ayaa U Dhiman  Wada Hadalladana Hore Ayey U Soconayaan Dhanka Chelsea.

Pep Lijnders Oo Qabanaya Red Bull Salzburg.

Kaaliyaha Klop Ee Liverpool Pep Lijnders Ayaa Qabanaya Shaqada Macalinnimo Ee Kooxda Red Bull Salzburg Fasalka Soo Socdo Kadib Markii Uu Usaxiixay Heshiis Sano Ah Oo Uu Kooxdaas Ku Maamuli Doono .

” Aad Ayaa Ugu Faanayaa Inaan Noqdo Macalinka Cusub Ee Kooxda Salzburg, Tani Waxa Ay Iitahay Mudnaan Dhab Ah KDib PSV Eindhoven, Porto Iyo Liverpool, Hadda Waxaa U Dhaqaaqayaa Naadi Kale Oo Cajiib Ah Oo Dhab Ahaan Leh Hab Dhismeed Wanaagsan Islamarkaana Xooga Saarta Hormarinta Dhalinyarada ” Hadalkaan Ayaa Kamid Ahaay Hadalladii Uu Jeediyey Kadib Usaxiixitaankiisa Salzburg Ee 3-da Sano.

Xiisaha Inter Ee Goolhaye Bento.

Kooxda Inter Milan Ayaa Xiiseyneysa Goolhayaha 24 Jirka Ah Ee Reer Brazil Iyo Kooxda Atlético Paranaensa Bento Matheus Krepasky .

Director-ka Inter Milan Baccin Ayaa Cadeeyey Arrinta Ku Aadan Xiisaha Goolhayaan Ee Inter Milan Isagoo Kahadlayana Wuxuu Yiri ” Haa Waa Run Waa Xiiseyneynaa Goolhayaha Reer Brazil Ee Bento, Waan Ku  Faraxsannahay Goolhayayaalkeena Laakiin Bento Wuxuu Noogu Jiraa Liiskeena Kooban Ee Tayada Leh Waana Lasoconaa Xaaladiisa “.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles