(Xanta Suuqa) Tenhag Oo Kahadlay Ciyaartoyda Dhaawaca Ka Ah Kulanka Arsenal, Ancelotti Oo Rajo Xumo Kamuujiyey Dhaaawca Tchouaméni Iyo Qodobo Kale Oo Xiiso Leh

Macalinka Man United Erik Tenhag Oo Kawarbixinaayey Ciyaartoyda Diyaarka U Ah Kulanka Aay Isbuucaan Wajahayaan Dhigooda Ayaa Arsenal Ayaa Sheegay In Mason Mount Uusan Kujirin Ciyaartoyda Diyaarka U Ah Kulankaas Wuxuu Tilmaamay Inuu Kusoo Baxay Dhaawac Cusub Waliba Uu Kutilmaamay Mid Nasiib Darro Ah Dhaawacaas .

Sidoo Kale Luke Shaw Ayuu Tilmaamay Inuu Kujiro Wadadiisa Uu Kusoo Fiicnaanaayo Balse Hadda Uusan Diyaar Aheynin Halka Bruno Fernandes, Scott McTominay Iyo Rashford Uu Sheegay In Aay Sifiican U Tababarteen Ayna Diyaar Yihiin Wuxuu Kaloo Kudaray In Lisandro Martínez Uu Tababarka Kusoo Noqday Balse Inuu Ciyaaro Kulanka Arsenal Waxa Ay Noqoneysaa Mid Aad Loogu Deg Degay Macnaha Waa Inuusan Kulankaas Diyaar U Aheynin Balse Kulamada Xigo Aay Macquultahay Inuu Ciyaaro .

Eddie Howe Iyo Qorshaha Ciyaartoydiisa Muhiimka Ah .

Macalinka Newcastle Eddie Howe Ayaa Qeexay Muhiimada Ay Kooxdiisa Uleedahay In Ay Ceshtaan Ciyaartoyda Muhiimka U Ah Geedi Socodka Kooxda Dhismaha Kusocda Ee Laga Leeyahay Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Wuxuu Tilmaamay In Alexander Isak Iyo Bruno Guimaraes Uu Doonayo In Ay Kooxda Sii Joogaan Maadaama Aay Furayaasha Kooxda Kudhaqaaqeyso Asigoo Arrintaas Kahadlayana Wuxuu Yiri “Waxaan Qorsheynayaa In Ay Halkaan Joogaan Ayaga Dhammaan Qorshaheyga Waa In Ayaga Aay Kujiraan Kooxda”.

” Ma Dooneyno Inaan Iibino Ciyaartoydeena Noogu Muhiimsan, Muhiim Ayey Noo Yihiin , Waxa Ay Dib  Noogu Celin Doontaa Masaafo Aad Ufog Maxaa Yeelay Waa Inaan Dib Usoo Bilaawno Markale” Sidaas Ayuu Kusoo Gaba Gabeeyey Waxaana Hadalkiisa Uu Kucadeeyey In Hadii Ciyaartoyda Muhiimka Ah Ay Noqoneyso Hadda Iyo Dhismo Cusub Oo Markale Ah Waana Qasaaro Horleh Oo Kooxda Soo Gaari Karto .

Ruben Amorim Muxuu Kayiri Joogitaankiisa Lisbon?.

Macalinka Sporting Lisbon Ruben Amorim Oo Laweydiiyey Hadii Uu Macalinka Sporting Lisbon Sii Noqon Doono Fasalka Soo Socda Iyo Inkale Ayaa Kujawaabay Sidaa :

“Wax Isbadalay Majiraan Heshiis Ayaa Kujoogaa Halkaan Mana Jiro Wax War Dheeri Ah Markale Heshiis Ayaa Kula Jiraa Sporting Lisbon”.

Sidaas Ayuu Kujawaabay Macalinkaan Lisbon Kuqaadanaya Waqti Qurux Badan Bil Kahorna Mar Tagay London Si Uu Ula Kulmo Wakiilo Kasocda Kooxda West Ham United Balse Wadahadalkaas Fashil Uu Kusoo Dhamaaday Ayadoo Kulankaas Kahorna Liverpool Lala Xiriirin Jiray Inta Aysan Kudhawaaqin Arne Slot Inuu Noqonaayo Macalinka Leylin Doono Fasalka Soocda .

Jorrel Hato Iyo Xiisaha Aay Arsenal U Qabto .

Da’yarka Difaaca Dhexe Ee Kooxda Ajax Jorrel Hato Ayaa Loo Arkaa Mid Kamid Ah Xirfadlayaasha Ugu Fiican Booskiisa Ee Kaciyaara Qaarada Yurub .

Arsenal Ayaa Horay Qiimeyn Ugu Sameeyneysay Illaa Iyo Afar Bilood Wuxuuna Kujiraa Bartimaameedyadeeda Xagaayga Soo Socda Ayadoo Uu Kooxdiisa Ajax Dhawaantaan Usaxiixay Heshiis Cusub Oo Gaaraya 2028 Balse Sikastoo Ahaato Wuxuu Kujiraa Xiddigaha Ay Arsenal Xiiseeyneyso .

Serge Gnabry Iyo Dhaawaciisa .

Laacibka Garabka Weerarka Ee Bayern Munich Serge Gnabry Ayaa Kusoo Dhaawac Muruq Ah Oo Lugta Bidix Ah Kaasoo Sababay In Uu Garoomada Seego Inta Kadhiman Xilli Ciyaareedkaan Oo Waxa Kadhimanba Iska Yartahay.

Wuxuu Sidoo Kale Haliis Ugu Jiraa Inuu Seego Koobka Euro2024 Ee Dalkiisa Germany Marti Galinayo Waxaana Ay Taas Kunoqoneysaa Niyad Jab Ku Aadan Rajada Uu Kaqabay Inuu U Ciyaaro Xulkiisa Koobkaan Xiisaha Leh Ee 4-tii Sanaba Marlaqabto .

Raja Xumada Ancelotti Ee Ku Aadan Taam Ahaanshsha Tchouaméni.

Macalinka Kooxda Real Madrid Carlo Ancelotti Ayaa Sheegay Inuusan Ogeyn In Laacibkiisa Qadka Dhexe Ee Reer France Ee Tchouaméni Uu Ciyaari Karo Kulanka Final-ka Champions league Ee Kooxdiisa Wajaheyso Dhigooda Borussia Dortmund.

Dhanka Kale Wuxuu Sheegay In Rüdiger Iyo Nacho Ay Qaadan Doonaan Doorkooda Kulamada Soo Socda Ee Kooxdiisa Ciyaari Doonta Halka Eder Militão Uu Tilmaamay Inuu Heli Doono Daqiiqado Uu Kuciyaaro .

Ketelaere Iyo Joogitaankiisa Atlanta.

Madaxweynaha Kooxda Reer Talyaani Ee Atlanta Percassi Ayaa Xaqiijiyey In Ay Qorsheynayaan In Ay Si Toos Ula Wareegaan Laacibka Amaahda Ugu Ciyaara Ee Reer Belgium Ee Charles De Ketelaere Kaasoo Milkiyadiisa Leedahay Kooxda AC Milan .

Wuxuu Sheegay In Ay Ku Rajaweynyihiiin In Ay Arrintaas Dhacdo Waxaana Ay Atlanta Heysataa €23M Oo Ah Lacagta Lagu Burburin Karo Heshiiskiisa Iyo 4 Milyan Oo Euro Oo Lagu Daray 10% Boqolkiiba Qiimaha Iibka Ah  Ee AC Milan.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles