Xarun qarsoodi ah oo Shabaabka ku shirayeen oo la duqeeyay

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab duqeymo lagula eegtau deegaano ka tirsan Koofurta gobolka Mudug.

Duqeymaha oo si gaar ah uga dhacay deegaanka Baraag Garguurte oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Xarardheere ayaa lagu beegsaday xubno Shabaab ah oo is uruursanayay si ay weeraro u geystaan.

Dowladda Soomaaliya oo qoraal kasoo saartay weerarkan dhanka cirka ah waxa ay ku sheegtay in jab xooggan lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab oo xiligaasi isu diyaarinayay ineh dad shacab ah laayaan.

“Khawaarijta ayaa maalmahan degaankaasi kusoo gurayay gaadiid dagaal, iyo maleeshiyaad fara badan waxaana xiliga duqeeymaaha la la beegsaday halkaa ku sugnaa gadiid dagaal iyo xubno ka tirsan Argagixisada gadiidka khawaarijta laga gubay ayaa gaaraya sadax gaari”ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda Fedaraalka.

Alshabaab ayaa ilaa iyo hada wax war ah kasoo saarin duqeynta.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles