Xavi Muxuu Kadhahay Bandhiga Cubarsí Iyo Ruben Amorim Oo Si Kulul Uga Hadlay Mustaqbalkiisa

Paul Cubarsí Waa Difaac Da’yar Oo 17 Jir Ah Oo Spanish Ah  Hadane Ka Wacdareynaya Kubadda Cagta Yurub Waliba Champions league Iyo Horyaalka Laliga Sida Uu U Ciyaarayo Hadii Aad Aragto Ma Isdhaheysid Ninkaan Ayaa 17 Jir Ah Inuu Kaweynyahay Ayaa Kusoo Baxeyso.

Xalay Kulan Miisaanka Culus Ah Ayey Kooxdiisa Barcelona Umartisay Kooxda PSG Taasoo Ay Ku Suldaareen 2-3 Kulan Ahaay Wareega Sideed Dhamaadka Ee Tartankaan Wuxuuna Soo Bandhigay Cubarsí Bandhig Indhaqabad Leh Habka Daganaanta Baasaska Ilaalinta Kubadaha Lasoo Duso , Kawarqabka Weerarka Kooxda Kale Xaaladaha Haliista Iyo Kubadaha Qof Qof-ka Intaba Si Aan Caadi Aheynin Ayuu U Sameeyey Asigoo Da’daas Jiro.

Macalin Xavi Oo Kahadlaya Cubarsí Wuxuu Yiri ” Waa Ciyaaryahaan Aan Caadi Aheynin Waa Ciyaaryahaan World Class Ah Wax Caadi Ah Ma Ahin In Qof 17 Jir Ah Uu Sidaan Cml Sameeyo”.

Asigoo Ammaantiisa Wata Wuxuu Kusoo Gaba Gabeeyey Sida Tan ” Mahaayo Erayo Aan Ku Amaano Isaga Waa Ciyaaryahaan Level  Gaar Ah Leh Wuxuu U Ciyaaraa Sida Qof Kooxda U Ciyaari Jiray Cml , Wax Walba Uu Sameeyo Waa Wax Dhab Ah Oo Sax Ah “.

Ruben Amorim Iyo Liverpool.

Tababaraha Kooxda Sporting Lisbon Ayaa Si Kulul Uga Hadlay Wararka La Xiriira Inuu Heshiis Lagaaray Dhigiisa Liverpool Si Uu Umaamulo Booska Uu Faarujinaayo Klop Xagaaga Soo Socda .

” Wax Liverpool Kasocda Oo Wareysi Ila Yeeshay Oo Aan Lakulmay Majirto Mana Jirto Koox Aan Heshiis Lagaaray Taasina Waa Mid Run Ah ” Sidaas Waxaa Dhahay Amorim .

” Waxaan Ahay Macalinka Sporting Waxaana Doonayaa Inaan Koobab Ku Guuleysto Halkaan, Kooxo Lama Kulmin I Aamin Wax Heshiis Ah Oo Lagaaray Majirto, Jooji Sheekadaan Waa Markii Ugu Danbeysay Aan Kahadlayo Wax Arrintaan Kusaabsan” Sidaas Ayuu Hadalkiisa Kusoo Xeray .

Amorim Laba Mid Waa Ixtimaali Karaa Mid Waa Inuu Diidayo Inuu Kahdlo Halka Uu Aadaayo Xagaaga Soo Socda Si Shaqada Hadda Socota Aysan Uga Mashquulinin Wixi Jirana Biyaha Hoostooda Ahaadaan Iyo In Siduu Wax U Sheegaayo U Jiraan Oo Waxaan Dhan Ay Faafinayaan Saxaafada Oo Aysan Jirin Koox Wali Lasoo Xiriirtay Marka Adiga Ahaan Maxee Kuula Muuqataa Sheekadaan Fikirkaaga Hoos Noogu Reeb.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles