Xididdada Colaadda Soomaalida.

Khilaafka dumiyay Soomaaliya welina taagan sababtiisu waa qadiyad leh laba lakab. Ta kore waa mid ku sal leh qadiyadda Soomaali Weyn ama Shanta Soomaaliyeed oo qudheedu leh laba waji. Wajiga hore waa in dagaalladii iyo siyaasaddii loo galay xoraynta dhulka maqani ay keentay in quwado gobol iyo kuwo caalami ahiba ka shaqeeyaan daciifinta iyo xitaa burburinta soomaalida si damaceedu u jabo, taas oo si dhab ah loo xaqiijiyay, oo aanu maanta jirin soomaali ka hadli kara shan soomaaliyeed. Wajigeeda labaadna waa midnimadii Soomaalilaand iyo Soomaaliya oo dulmi iyo nactooyo badani ka dhasheen, ilaa maantana labadii dhinac midkood sii wado dulmigii iyo nactooyadii, keentayna in midnimadaasi dhab u fashilanto.
Lakabka labaad ee colaadda soomaalidu waa mid qabyaaladeed oo ka yimid hiddaha iyo dhaqanka oo la siyaasadeeyay. Jamhuuriyaddii midowday tobannaan qabiil baa ku wada jiray kolka madaxa la ga tiriyo, laakiin saddex reer oo keliya ayaa ku loollamay dhab ahaantii: Hawiye, Daarood iyo Isaaq. Kolka ay siyaasadda noqoto magaca Hawiye wax uu daboolay oo dallad u noqday reero kale oo badan, ama idil ahaan qabiilooyinka Samaale ee Koonfur ku dhaqan. Daarood oo dhanna shaadhkooda waxaa gashaday Majeerteen iyo Marreexaan. Labadaa dalladood waxa qudha ee ay wadaagaan waa in ay Talyaanigii u shaqayn jireen, isuna arkeen in ay dawladnimada Muqdisho iyagu Talyaaniga ka dhaxleen, taas oo loo gu sii daray dawladdii Soomaalilaand ka dhalatay 1960. Labadaa reer dabadeed waa ay is mahadiyeen, dhexdooda is oggolaadeen, oo xilalkii dawladda ku kaltameen oo sida ay doonaan ka yeeleen. Waa halkii uu Axmed Ismaaciil Samatar ku sifeeyay laba daayeer oo marba mid dhabarka loo xoqayo. Aadan-Cadde oo ahaa madaxweynahoodii kowaad caqligiisa Talyaaniyaysani waa kii siiyay in uu Jamhuuriyaddii dhammayd ee la gu midoobay dawlad u ga dhigo Hiraab iyo Majeerteen aan la tarrixin. Raxanweyn iyo dadyowga kale ee Soomaaliya ku dhaqan berigaa iyo beriganba labadaa qolo ayaa cabiidiyay oo dadnimo waxaa u gu dambaysay dhaqdhaqaaqii la ga adkaaday ee Soobbe.
Isaaq oo sida aynnu xusnay labadaa reer u dhigma dhinacyo badan waxaa ku dhacay dhawr dhibaato oo keenay in la qabsado, la gumaado, dalkiisana la dumiyo. Ta hore waa in uu labada kale oo is oggolaaday oo Talyaani dhaxlay oo wax qaybsaday uu is ku dhex tuuray oo Xamar marti u gu noqday. Ta labaad waa in uu ilaalin garan waayay midnimadii reeraha Soomaalilaand si ay kuwaa Dhaxalka Talyaaniga ku midaysan wax u la qaybsadaan. Ta saddexaad waa in uu haybta Direed ee ciidda ka badan dallad u noqon garan waayay si la mid ah sida ay labada qolo ee kale reero badan dallad u gu noqdeen. Markaa cidla ayaa la ga helay.
Maanta Hawiyaha Koonfureed iyo Daaroodka Koonfureed, oo afka siyaasadda qabyaaladeed loo yaqaan Hawidaar, mar kale waxaa u soo noolaatay rejadii ahayd in ay soomaalida kale oo dhan u gu dawladayn karaan is la Dhaxalkii Talyaaniga ee la jabiyay 1991, oo sidii laba daayeer midba markiisa injirta la ga guro. Sababtaa darteed wax kasta oo kaleba ha is ku khilaafeen waa se ka midaysan yihiin gooniyaynta iyo burburinta Isaaq, si ay u oggolaysiiyaan gunnimada ay guntu oggolaatay. Aqoonyahankooda, wadaadkooda iyo siyaasigoodu wax ay ka siman yihiin in qabyaaladda iyo nacaybka la xalaaleeyo, la diineeyo, la aqooneeyo oo la siyaasadeeyo oo keliya marka ay Isaaq liddi ku tahay ee dadka la gu dirayo. Waa sababta ay labadaa qolo isu gu raaceen in khilaafyada reeraha Soomaalilaand dhexdooda sida u gu foolxun loo qabyaaladeeyo oo nacayb la ga buuxiyo, kolka ay xaggooda tahayna qabyaaladda la caayo oo reeraha la mideeyo.
Maanta Hawidaar wax ay sida u gu daran u abaabulayaan, oo heer sare ka gaadheen, qorshe aan sinaba u ga duwanayn kii hore ee Faqash iyo Afweyne Isaaq ku dileen dalkiisana ku dumiyeen, oo ah ku kicinta iyo ku hubaynta qabiilooyinka deriska la ah. Taana in ay ku guulaystaan ama ku guuldarraystaan iyaga ku ma xidhna ee wax ay ku xidhan tahay Isaaqa qudhiisa, sida uu isu abaabulo iyo kartida iyo siyaasadda uu la yimaaddo, oo ay ka mid tahay kasbashada iyo gaashaanbuursiga dadkiisa, iyo dhanka kale kicinta iyo abaabulka quruumaha Dir iyo Raxanweyn u gu liitaan ee Hawidaar ku hoos dullaysan.

W-Q. Ibraahim Howd

Leave a Comment

Array

Related Articles

English News

Facebook Feed

Articles