Xiisaha United Ee Bruno Guimaraes Iyo Culeyska Sharciga FFP Ee Newcastle

Laacibka Qadka Dhexe Ee Kooxda Newcastle Iyo Xulka Brazil Bruno Guimaraes Ayaa Tibaaxay Inuu Ku Faraxsanyahay Joogitaanka ST James Park Iyadoo Ay Jiraan Warar Xan Ah Oo Ku Aadan Inuu U Baqooli Doono Dhankaa Iyo Old Trafford Xagaayga Soo Socda .

Guimaraes Wuxuu Kusoo Biiray Kooxda Lagu Naaneyso Magpies-ka Ee Newcastle  January 2022 Asigoo Kayimid Ligue 1 Iyo Kooxda Lyon Markaas Kadib Sifiican Ayuu U Saldhigtay Kooxda Wuxuuna Noqday Mid Kamid Ah Ciyaartoyda Kaciyaarta Qadka Dhexe Ee EPL Kuwooda Ugu Fiican Tayadiisa Uu Bannaanka Usoo Saaray Waxa Ay Dhalisay In Kooxo Badan Damcaan Mashiinkaan Qadka Dhexe Balse Kadhaga Adeegtay Kahor Bilaabashada Fasalkaan Balse Hadda Magpies-ka Dhibaato Ayaa Heysato Oo Ah Financial Fair Play Taasoo Laleeyahay Waxa Ay Fududeyn Kartaa Bixitaanka Laacibkaan Muhiimka Ah .

Wargeysyada Ayaa Tilmaamaya In United Tahay Kooxda Waqtigaan Xiiseyneysa Xiddigaan Maadaama Miilkiilaha Cusub Ee Kooxda Red Devils Uu Wado Qorshe Uu Kooxda Kudhisaayo Islamarkaana Uu Doonayo In Ay Noqoto Koox Latartanto Kooxaha Man City, Liverpool Iyo Arsenal Oo Horyaalka Ku Loolamaayaan Waxaana Sidoo Kale Ratcliffe Usocda Qorshaha Uu Kooxda United Ku Keenayo Dan Ashworth Oo Ah Agaasimaha Ciyaaraha Kooxda Newcastle Kaas Oo Loo Arko Inuu Hogaamin Karo Manchester-ta Cusub Ee Uu Dhisaayo Sir Jim Ratcliffe.

Bruno Shaqsiyadiisa Wuxuu Kufaraxsanyahay Joogitaanka Newcastle 100% Waliba Wuxuu Tilmaamay Inuu Diirada Saarayo Waajibkiisa Kaga Aadan St James Park Sidoo Kalena Uu Doonayo Inuu Kooxda Kacaawiyo In Ay Soo Aado Champions league Oo Ay Adagtahay Marka Lafiiriyo Gaabka Ay U Jiraan Ama Europe League Kan Ayaana Macquul Ah .

Laacibkaan Bishii October Ee Sanadkii Tagay Ayuu Saxiixay Heshiis Cusub Taasoo Kadhigan In Afar Sano Kale Oo Dheeri Ah Usii Joogi Karo St James Park Balse Taas Waxaa Hortaagan Sharciga Dhaqaala Wanaaga Oo Ku Qasbaya Newcastle In Ay Iibiso Ciyaartoy Waaweyn Sida Bruno Guimaraes Oo Kale Si Loo Helo Dheelitirnaan Ku Aadan Qarashaadka La Bixiyey Ee Wax Lagu Soo Gaday Mushaaraadka Iyo Qarashaadka Kooxda Soo Galay .

Sida Laga Fahmaayo Macalinka Kooxda Newcastle Eddie Howe Wuxuu Muujiyey In Xiddigaan Kooxda Muhiim Weyn Uyahay Islamarkaana Ay Adagtahay In Ay Ka Maarmaan Balse Ayjiri Karaan Wax Ku Qasbaayo In Ay Iibiyaan Wuxuuna Sheegay Inuusan Damaanad Qaadi Karin Joogitaanka Guimaraes Ee St James Park Taasoo Sii Xoojineysa Wararka Laxiriira Inuu United Ubaqooli Doono Asiga Iyo Agaasimaha Kooxda Dan Ashworth.

  • Maku Haboonyahay Guimaraes Kooxda United Waxna Maka Badali Karaa Dhaxda United Ee Habacsanaanta Kamuuqato Hadii Warkaan Xanta Ah Run Noqdo Bal Fikirkaaga Hoos Noogu Reeb Adigoo Mahadsan.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles