Xilka qaadis lagu sameeyay guddoomiyihii Hiiraan iyo Xil magacaabis

Madaxweynaha maamul HirShabelle M Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta ka qaaday xilka Mudane Cabdullaahi Axmed Maalin Sufurow oo ahaa guddoomiyaha gobolka Hiiraan , isaga oo u magacaabay mas’uul cusub.

guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan oo wajahayay mudooyinkii lasoo dhaafey diidmo ayaa lagu shaaciyay xilka qaadistiisa xafiiska madaxweynaha .

wareegto kasoo baxday madaxtooyada HirShabelle ayaa lagu sheegay in Mudane C/llahi Axmed Maalin Sufurow laga qaaday xilka Guddoomiyenimo ee gobalka Hiiraan.

isla markaan iyadoo loo magacaabay guddoomiyaha cusub Mudane Muuse Salaad Wehliye oo ahaa Wasiirka Wasaaradda Gaadiid Duulista iyo Hawada..

cidna ma shaacin sababta dhabta ah ee ka danbeysa in xilka lga qaado Mudane Cabdullahi Maalin Sufurow oo hayey xilkan tan iyo bishii Juun 2023, markaas oo uu badalay Mudane Cali Jeyte Cismaan.

Mudane Cabdullahi Maalin Sufurow ayaa la tacaalayay mucaaradad xoog leh oo kaga imaanaysay qaar kamid ah siyaasiyiinta gobolka, oo uu ugu horeeyo Mudane Cali Jeyte Cismaan.

Dhawaan ayay ahayd markii Beledweyne laga saaray maamulkii taageersanaa HirShabelle, kaddib markii uu dagaal culus la galay maamulka kale ee la baxay Hiiraan State.

Si kastaba, Khilaafka ka jira Hiiran ayaa in mudda ahba soo taagnaa, waxana waxgaradka deegaanku saluug san yihiin habka awood qaybsiga ee maamulka Hirshabeelle.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles