Xog Hoose: Wax ka ogow sababihi ee isku mari waayeen Xasan Iyo Shariif?

Kadib kulanki natiijo la’aanta kudhamaaday ee udhaxeeyay madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyinihi hore Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa la helayaa warar hordhac ah, sababihi keenay bur burka wada hadalka.

Wararka ayaa waxa ee sheegayaan in bilowga kulanka uu umuuqday mid isfaham horseedi doono hasa yeeshe saacadihi ugu dambeeyay kulanka ayaa kusoo idlaaday natiijo la’aan, sida uu shaaciyay madaxweyne Shariif.

Xafiiska Shabakada Warsheekh ee Nairobi ayaa helay xogo la xiriiro sababaha keenay is faham waaga dhacay iyadoo dhanka Shariif uu layimid shuruudo adag kuwaasi oo u cuntami weesay madaxweyne Xasan Sheekh.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Madaxweyne Shariif oo umuuqday mid ee cadahay ujeedada uu kalahaa kulanka isagoo soo bandhigay shuruudo ee ka mid yihiin

In Tastuurka lajoojiyo
in Maamulka Puntland Reysulwasaare lasiiyo
In Maamulka Gobolka Banaadir 4.5 lagu qeybsado.

Dhanka kale Mucaaradka dowlada Xasan Sheekh ayaa neef farxadeed kasoo baxday kadib marki banaanka timid inuu fashil kudhamaaday kulanka madaxweynayaasha, xili ee kulanka kahor shaki geliyay kalsooni lagu qabi karo natiijada kasoo baxdo kulanka.

Dhanka Muxaafadka Dowlada ayaa wax lala yaabo kutilmaamay codsiga Shariifka iyagoo kudhaliilay Shariifka in uu had iyo jeer unugul yahay qaar kamid ah maamul goboleedyo sad bursi doonayo.

 

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles