Xogo hoose oo kusaabsan Shirka Golaha Wadashiga Qaranka ee Muqdisho ka furmay

Magaalada Muqdisho waxa shalay soo gaaray inta badan madaxda maamul goboleedyada, halkaas oo la filayo in uu ka bilowdo shirka madaxda dawladda federaalka iyo kuwa dawlad goboleedyada.

Madaxda Muqdisho tagtay waxa kamid ah madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Shirka golaha wadatashiga ee NCC ayaa baaqday bishii ina dhaaftay ee April, in kastoo madaxtooyadu ku sheegtay sababta uu u baaqday arimo farsmo ayaa haddana waxa jiray doodo dhinacyada u dhaxeyeay oo aan xal laga gaarin shirka ka hor.

Dhinaca kale waxa shirka qaadacday oo sheegtay in aanayba aqoonsaneyn dawladda federaalka dawlad goboleedka Puntaland oo dhawr jeer oo horena ka baaqsatay ka qaybgalka shirrarka golaha wadatashiga qaranka.

Illaa hadda lama sheegin ajandaha shirka NCC ee Muqdisho ka furmaya, balse kii baaqday bishii April ayay Villa Somalia waxa ay ku sheegtay in looga arisanyo arimo masiiri ah oo ay kamid yihiin dhameystirka daxtuurka kmg ah iyo la dagalaanka Al-shabaab.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles