XOGWARAN KOOBAN DAGAALKII 77

HORDHAC

Anigoo da’ ahaan aad u yar, dhigta Dugsiga Dhexe Xaawa Taako magaalada Beledweyne ayaan 1975 ku biiray Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Waxaan Xarunta Lamagalaay Beledweyne ku qaatay tababar Taarwale ay macallimiin ka ahaayeen Saraakiil Ruush ah.

Waxaan ka tiranaa Qeybta 21aad, Guutada 10aad, “Ururka 15aad Qaybdiid” uu Taliye ka ahaa Dhamme Maxamed Cabdi, kaasoo fadhigiisu ahaa Xerada Lamagalaay Beledweyne. Dagaalka qaybtiisi hore waxaan ku qornaa qori boobe ah (Machine gun), hase yeeshe, intii dagaalku socday ayaan qaatay tababar labaad taarwale Raadiye cusub. Guud ahaan 8 (sideedi) bilood dagaalku socday, inkastoo aan jeclaa inaan dhacdooyinkii dagaalka aan u qoro si maalinle ah, haddana iima suurtogalin oo waqti uma helin inaan wax kasta qoro, waayoo waxaan u dhaxeeyay xaalad geeri iyo nolol ah. Balse, intii dagaalku socday xaaladihii adkaa isoo maray ama aan la noolaa iyo wixii dhacayay ma ahayn wax aan sahal ku iloobi karay.

Dareenkeyga marna kama suulin rabitaanka iyo damaca ah in, goor ay noqotaba, aan xasuusteyda qoraal u bedeli doono.

Waxay ahayd arrin aad igu wayn, aan muddo ku haminayay, inaan wax ka qoro wixii aan dagaalkaas ka xasuusto, anigoo ahaa marqaati goobjoog ah, mar aan ahaa dagaalame ciidanka lugta ah iyo mar aan ahaa taarwale la hawgalayay cutubyadii raca hore dagaalka. Isla markaana, si dhaw, ula socday xogta dagaalka la is dhaafasanayay, gaar ahaan, xagga dhageysiga Raadiyaha ii shidnaa 24/7.

Si gaar ah, xogta aan gudbinayo waxay ku saabsan tahay aagga:

1- Qabridaharre

2-Dhagaxbuur

3- Jigjiga iyo

4-Aagga buuralayda Harar ilaa laga gaaro degaanka Haramaayo.

DULUCDA XOGTA

Ururka 15aad Qaybdiid iyo awooddiisa dagaal:

Ururka 15aad Qaybdiid aan ka tirsanaa wuxuu ahaa, xagga awoodda dagaalka iyo tababarka, Urur ka tilmaaman Ciidanka Xoogga Dalka.

Waxaan ka hadlayaa waa taariikh hore, sidaas darted dhib uma arko inaan akhristaha qormadaan la wadaago tira-koobka Ciidan iyo hub ee Ururkii 15aad Qaybdiid Beledweyne, waana sida hoos ku qoran:

– Tiro ahaan Ururku, qiyaastii wuxuu ahaa 500 qof, asagoo ku hubaysnaa:

1- Beebee (Gaariga Dagaalka Qafilan): 6

2- APC (Armoured Personnel Carriers – waa gaadiid hubaysan Ciidanka qaada): 9

3- RBJ (Bazuuko): 27 xabbo

4- Grinoof (Qoriga boobaha) sita labo khasnadood tiiba 150 xabbadood: 27 Qori

5- Brigan (Qoriga boobaha) sita silsilad 100 xabbadood: 27 Qori

6- Jiko koronto socota (Electric Mobile kitchen), taasoo leh dariishad weyn raashinka oo diiran (qandac ah) laga qaybiyo: 1

Guutada 10aad Beledweyne, Ururku ka tirsanaa waxay lahayd hal baabuur bir-qore

 (Toorno), ay la socdaan farsamoyaqaano tababar kusoo qaatay dalka Ruushka, kuwaasoo birtii ka jabta gaadiidka iyo teknikada dagaalka isla markiiba qorayay si cilladda jirta loo xaliyo.

Dagaaladii kala dambeeyay

– 02/07/1977 (waa labadii bishii todobaad 1977) markii saacaddu ahayd 03:00am (habeenimo) ayaa “Ururka 15aad Qaybdiid” ka baxay Xerada Lamagalaay Beledweyne, waxaan isugu tagnay Barta kulanka Guutada 10aad, ayadoo Ururada Guutadu ka yimaadeen degaano kala duwan.

Barta kulanka Guutada 10aad ama aan dhaho barta diyaargarowga dagaalka, waa halka loo yaqaan Qawlad, qiyastii 9km dhanka waqooyi uga aadan Beledweyen, halkaas waxaan joognay hal maalin.

– 03/07/1977, saacaddu markii ay ku taagnayd 06.00pm (18:00) maqribkii ayaan ka baxnay degaanka Qawlad waxaan tagnay Balanballe, waxaan joognay shan maalmood. Waxaa halkaas la isugu keenay dhammaan Guutooyinkii iyo Ururadii ay ka koobnayd Qaybta 21aad iyo dhammaan Taliyaashii heerarka kala sareeya Qaybta.

– 09/07/1977, markii saacaddu tilmaamaysay 11:00am barqanimo waxaa noo yimid Madaxweyene Maxamad Siyaad Barre, wuxuu khudbaynayay ilaa 02:00pm duhurnimo.  Ereyada khudbada Madaxweynaha waxay u badnaayeen dhiirigalin iyo dardaaran. Waxaa hadalkiisa ka mid ahaa:

“Waxaad arki doontaan dad soomaali ah aan fahmayn Af Soomaaliga, haddii aad askar qabataan yaan la dilin, u dhiiba Madaxdiina, yaan laga furan saacadaha gacantooda ku xiran.

Ha la ixtiraamo maxaabiista aad qabataan, waxaad u madax banaan tihiin inaad hubka ka qaadaan, haddii ay diidaan in hubka ay dhibaan xoog uga qaada”.

Dhowr jeer ayaa mikoroofoonka iyo afka Madaxweynaha is gafeen oo hadalkiisa aan si fiican loo maqal, si kaftan ah ayuu u yiri:

“Raali ahaada, haddii hadalkeyga qaar idin garab maray, afkeyga ayaa ka weyn mikorophoonka, waana sababta dadku iigu magac-bixiyeen AFWEYNE”.

Madaxweyne Siyaad wuxuu ka khudbaynayay gaari Land-Rover (Pickup) dushiisa, wuxuu ku labisnaa Tuute iyo koofidiis cagaar ah.

Sarkaal darajo kasta uu lahaa iyo ciidanka dhammaan qof taagan ma jirin, dhulka ayaa la wada fadhiyay, waxaa taagnaa kaliya Gaashaanle dumar ahaa wax qorayay, taasoo Madaxweynaha agtiisa joogtay.

Geedaha quracdaa oo meesha ku badnaa waxaa la suray dhowr cod-baahiye si khudbada Madaxweynaha loo maqlo.

Intaa kadib, qof kasta goobta joogtay waxaa u caddaatay in dagaal la galayo, sidaana waxaa lagu daahfuray dagaalkii 77.

Markii la gaaray 05:00pm (galabnimo) Ciidamadu waxay billaabeen inay u jihaystaan aagagii dagaalka loo cayimay.

Waxaan Balanballe ka baxnay 06:00pm (18:00) maqribnimo annagoo u jihaysan  Qabridaharre, waxaan ku hakanay meel aan ka fogeyn togga Faafan dhinaca bari ka mara magaalada.
Tog yar, halkaas ku yaala, ayaa waxaa qarka togga ka dhacay labo Taangi, Ciidanki waa la joojiyay, muddo yar kadib waxaa yimid gaari Abraar Wiishle ah oo labadii Taangi ka saaray godkii.

Waxaan, mar dambe, maqlay hadalhayn iyo sheeko la baahiyay, ayadoo la leeyahay labo Taangi ayaa god ku dhcday oo laga tagay, taasi waa sheeko mala-awaal ah aan runta dacdadaas ka tarjumayn, arrintaas cid iiga xog-ogaalsan ma jirto oo goobta ayaan joogay.

Qaybta 1aad: Dagalkii dhulka siman

Weerarkii Qabridaharre

Waxaan u dhaqaaqnay xaggaa magaalada Qabridaharre noo jirtay wax ka yar 3km.

08:00am subaxnimo dagaalkii waa bilaawday, meel ka sokeysa halkii laga filayay ayaa Ciidanka Xabashidu saddex aag difaac ka galay.

Annagoo aan Sahan fiican iyo xog buuxda ka haysan ayaan dhexda u galnay ciidankii Xabashida, isku mar ayey saddexdii jiho xabadda noo soo fureen.

Dhankeena gawaarida gaashaan, sida BeeBee-yada iyo APC si fiican oo geesinimo leh ayey u dagalameen. Balse dagaal kadis ah culeeyskiisa ayuu leeyahay, waxaa qasab noqotay in Ciidanku dib u gurasho sameeyo.

Anigoo markaas ahaa 18 jir ku dagaalamaya qori boobe ah, waxaan difaac ka galay geed garas ah oo sal-ballaaran hoostiisa.

Markii aan muddo xabbadii ridayay ayaan dareemay in agagaarkeyga aan xabbadi ka dhacayn, dhinacyada ayaan fiiriyay waxaan ogaaday inaan kaligey ahay oo ciidankii dib u gurtay. Xabbado goos-goos ah ayaa igu soo dhacayay, gadaal ayaan fiiriyay, waxaan arkay Taliyihii oo meel fog sii socda ciidankuna waa ka sii horeeyay.

Waxaan bilaabay in qaab dildiloon ah aan dib ugu baxo ilaa wadada laamigaa, kadibna togga Faafan ayaan gooyay oo sidaa Ciidankii ugu tagay.

Waxaa nala ka gubay: Taangi 1, Beebee 2, Gaarigii caafimaadka iyo Dhakhtarkii oo ku dhintay goobtii dagaalka.

 Dib ayaa la isku soo abaabulay, waxaa noo yimid Dhamme Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ahaa Taliyaha Madaafiicda.

Dhamme Indha Qarshe waxaa uu ku taliyay in ilaa uu ka burburiyo dhufaysyada ay ku jiraan iyo dhulka u dhaw aan weerar la qaadin.
Affar saacadood oo xiriir ah ayuu Ingha Qarshe garaacayay, waxaa la burburiyay dhufaysyadii, Xeradii Milateriga Caanka ahayd iyo meel kasta lagu tuhmayay ciidan iyo saanadiis.

Ciidankii Xabashida oo sii socda ayaan uga daba tagnay buuraha galbeedka Qabridaharre, ilaa 02:00pm (duhurnimo) ayuu dagaalku socday oo la sii raacdeysanayay, kadib Ciidankii Xabashida waa fogaaday oo laga soo noqday, sidaa waxaa ku xoroobay magaalada Qabridaharre.

Waxaan anigu goobtii dagaalka kasoo qaaday Warqaddii Aqoonsiga Ciidanka (Tessere) ka dhacay askari Xabashi ah, Lamberkiisa ayaan fiiriyay wuxuu ka bilaabanayay 150kun, halka anigoo Ciidanka labo sano kaliya ka mid ahaa Lambarkeygu ka bilaabanay 45kun.

Waxaa dhici karta in askarigaasi ciidanka Xabashida ka mid ahaa muddo dhawr iyo toban sano ah.

Weerarkii Dhagaxbuur

Waxaan Qabridaharre ka dhaqaaqnay 08dii (fiidnimo), waxaan aadnay jihada Dhagaxbuur. Waxaa na soo gaartay xog sheegeysa in Guuto Itoobiyaan ah ay difaac uga jirto magaalo yar u dhaxaysa Qabridaharre iyo Dhagaxbuur magaceeda la yiraa Shaygoosh. Waxaan 08.00 subaxnimo ku soo dhawaanay Shaygoosh, waxaa naga horyimid tiro badan dadkii magaalada deganaa, kuwaasoo ka soo cararay Xabashida, kadib markii ay arkeen in magaalada ay jirto xaalad colaadeed, kacsanaan iyo jahwareer. Markii ay na arkeen ayay u firxadeen xaggaa iyo duurka, ayagoo noo maleeyay Ciidan Xabashi geedi ah.

Nin maro cad kor u lulaya ayaa ku dhiiraday inuu xaggeena soo aado, markuu noo soo dhawaaday ayuu fahmay inaan Soomaali nahay oo yiri:

“Alla!!! Ma Soomaali baa tihiin? Soomaaliya ma waxaan oo hub ah ayay haysataa?”.

Asagoo ay ka muuqato faxrad iyo shucuur qiiraysan ayuu bilaabay inuu Gaadiidkii iyo Teknikadii dhunkado.

Taliyihii Ururka Dhamme Maxamed Cabdi ayaa ninkii weydiiyay halka Ciidamada Xabashidu degan yihiin?  Ma noo dhaw yihiin, mise waa naga fog yihiin?

Ninkii ma bixin jawaab sugan.

Waxaa la diray saddex Beebee oo sahan ah, si xog sugan looga helo halkka Ciidanka xabashidu degan yahay, Ciidankuna dagaal ayuu isku diyaariyay.

Muddo kadib sahankii ayaa soo noqday ayagoo soo waayay meel Ciidan Xabashi degan yahay. Maalintaas halkaas ayaan ku nasanay, gabal-dhicii ayaan u dhaqaaqnay dhanka Dhagaxbuur.

Habeen-barkii ayaan degnay meel aan ka fogeyn magaalada Dhagaxbuur, ilaa maalintii xigtay halkaas ayaan joognay.

Xilli maqribnimo ayaan ka dhaqaaqnay, saacado kooban kadib waxaan gaarnay togga Faafan dhanka bariga ka mara Dhagaxbuur.

Iska markii aan halkaas gaarnay, waxaa noo yimid Sareeye Guuto Yuusuf Axmed Salxaan, wuxuu gooni ula shiray Taliyaha Uruurka Dhamme Maxamed Cabdi.

Halkaas ayaan ku cunay cashadii, kadibna aan seexanay, waxaan kacnay 5tii aroornimo, annagoo masaafo 1km u dhaqaaqnay dhanka Dhagaxbuur.

Waxaan tagnay goob ay yaalaan 18 Madaafiicda Goobta nooca D30 122mm.

6dii aroornimo waxaa bilaabatay duqaybtii Dhagaxbuur uu hoggaaminayay Dhamme Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe), si gaar ah waxaa loo duqaynayay dhufaysyada ku caanbaxay magaca “Gannad”.

Duqayntu waxay socotay 12 saacadood, laga bilaabo 6dii aroortii ilaa 6dii maqribnimo.

Isla habenkaas waxaa bilaawday dagaalkii ciidanka lugta, ayadoo maalintii xigtay Ciidankii Xabashida laga saaray Dhagaxbuur.
Markii la soo afjaray dagaalkii Dhagaxbuur, waxaa Ururku, 5tii galabnimo, u guuray dhanka degaanka Allaybaday, halkaas waxaan joognay labo maalmood.

Waxaa naloo sheegay in abaalmarin awgeed aan saddex usbuuc ku nasandoono  Dararweyne, qiyaastii 30km dhanka waqooyi-bari kaga began Hargeisa.

Hase yeeshe, annagoo aan gaarin Dararweyne ayaa dib naloo soo celiyay, waxaa naloo sheegay inaan dageyno Kalabayrka ah galbeedka Gabiley.

Intii Madaxda Sare, guud ahaan, dagaalka hoggaaminaysay ku hawlanayd diyaarinta qorshaha iyo qaabka loo galayo dagaalka Jigjiga iyo Diri-Dhaba ayaa laga warhelay in Guuto Itoobiyaan ah, aad u hubaysan ay joogto Haroorays oo ah tuulo ka tirsan Jigjiga. Waxaa halkaas loo diray Urur ka tirsan Guutada 9-aad Gaalkacyo iyo Ciidamo lagu xoojiyay, dagaal labo maalmood socday kadib waa laga saaray dhufaysyadii ay ku jireen Ciidanka Xabashidu.

Qorshaha weerarka Jigjiga loo dajiyay ayaa ahaa in dhammaan dhulka ka sokeeya Jigjiga laga nadiifiyo Ciidamada Xabashida oo dhamaantood la isugu geeyo Jigjiga.

Xoreynta magaalada Jigjiga

Kadib markii la hubsaday in Ciidamada Itoobiya aanay joogin meel ka baxsan magaalada Jigjiga oo dhamaantood halkaas kusoo uruureen ayaa la isku diyaariyay in la weeraro Jigjiga.

Waxaa Jigjiga ka dagaalamay affarta Guuto hoos hoos ku qoran, mid walba ay ku feer qoran tahay magaalada Saldhigga u ahayd ama ay ka timid:

– Guutada 10aad – Beledweyne

– Guutada 9aad – Galkacyo

– Guutada 5-aad – Lughaya

– Guutada 24aad – ka kooban Ciidan uruuris kayd ahaa, loogu talogalay in lagu xoojiyo halkii (aaggii) baahi gurmad ka jirto.

Ø  Guutada 10aad waxay dagaalka Jigjiga ka gashay aagga Rabcase Koofurta Jigjiga.

Ø  Guutada 5-aad waxay ka gashay aagga waqooyiga Jiggiga

Ø  Guutada 9aad waxay ka gashay aagga bariga Jigjiga

Ø  Guutada 24aad waxaa kayd ahaan lagu reebay Qabribayax .

Ma iloobin, wali waan xasuustaa taariikhda maalintii, dagaalka Jigjiga bilaawday waxay ahayd saqdii-dhexe (habeen-bar) 19kii bishii Ramadaan 1397 oo ku began 3dii Seteembar 1977.

Ugu horeyntii, waxaa lagu bilaabay Madaafiicda culus sida: BM21, D3O iyo noocyo kale ka mid ah bahda Madaafiicda Haawsarka (Howitzer).

Mar qura ayaa waxaa is qabsaday hugunka iyo daryaalka hubka culus, kaasoo si xiriir ah, aan kala go’ lahayn, loogu garaacayay dhufaysyadii Ciidamada Cadawgu uga jireen afafka hore magaalada Jigjiga, duqayntu waxay socotay ilaa 6dii subaxnimo.

Waxa la adkeeyay difaaca dhabarka dambe 3da jiho ay Guutooyinka (5aad, 9aad iyo 10aad) kaga jireen dagaalka Jigjiga.

Waxaa Sahanku soo xaqiijiyay in Ciidamada Xabashidu 80% ay dib uga baxeen dhufaysyadii magaalada horteeda ku yaalay, kadibna difaac ka galeen magaalada dhexdeeda, dhinacyadeeda iyo gadaasheeda.

Xeryaha Ciidamada Xabashida ugu caansan degaanka Jigjiga waxaa ka mid ah:

1- Xerada Guutada Komaandooska loo yaqaan “Brigate”

2- Xerada Guutada Taangiga buurta Garabcase.

Waxaa bilaawday dagaalka Jigjiga qaybtiisi labaad, kaasoo socday sagaal maalmood, wuxuu ahaa dagaal aad u culus oo xeelad iyo mitidnimo la isku adeegsaday, ayadoo aan waxba la iskula harin.

Runtii, Ciidanka Xabashidu Jigjiga waa ku mitiday oo ku dagaalamay intii awoodoodu ahayd iyo ka badan, balse waa loo awood sheegtay oo xoog ciidan ayaa lagu jabiyay.

Waxaa dagaalka kasoo qaybgalay oo laga nuuxsan waayay dayaaradaha dagaalka Xabashida ay wadaan duuliyeyaal leh tababar iyo aqoon aad u sareysa.

Isla subaxdii dagaalku bilaawday waxaa weerar aan kala go’ lahayn soo qaaday dayaaradaha Itoobiya “F5” oo markiiba raxan dayaarado ah ku dul joogto.

Ciidankeena Difaaca Cirku wuxuu isticmaalayay qoryaha Zuuga, Shiilkaha iyo 37mm, kuwaasoo aan waxba soo kordhin xagga Difaaca Hawada.

Haddii aanan khaldanayn, waxaa difaaca hawada u xilsaarnaa Dhamme Axmad Maxamad Sh. Xuseen (Qasaaro) oo si fiican iyo intii awoodiisa ah u dagaalamay.

Waxaa la arkayay xabadaha ay Ciidanka Difaaca Cirka ridayaan oo hawada ka dhigay qiic aad moodeysid caad, balse dayaaradaha cadawka ayaa adeegsaday awood

xad-dhaaf ah, ayagoo muddo aan ka badnayn 15 daqiiqo gubay 7 baabuur ay saarnayeen qoryaha Difaaca Cirka la dagaalamayay dayaaradaha iyo askartii saarnayd, halkii gaari waxaa saarnaa 7 askari, waxaa halkaas ku dhintay 49 askari.

Intaas kadib, Sareeye Guuto Yuusuf Axmed Salxaan ahaa Taliyaha aagga Jigjiga ayaa bixiyay amar ahaa inaan dayaaradaha cadawga xabbad lagu ridin, asagoo aaminsanaa in sidaa lagu yareen karo qasaaraha ay geysanayaan.

Guud ahaan, dhacdooyinkii ka jiray goobaha dagaalka oo xasuusta igu reebay lama soo koobi karo, gaar ahaan sida loola dhaqmay askartii Xabashida difaaca uga jirtay aagga Garabcase ee Jigjiga.

Dagaal kulul muddo socday oo la isku raagay kadib, labada dhinacba rasaasti ayaa ka dhamaatay, kadibna Taangiyadeeni ayaa lagu fasaxay in askarta xabashida oo wali jiifta halkii ay difaaca uga jireen la dul mariyo silsiladda lugaha Taangiyada, muuqaalkii meeshaas ka jiray ma ahayn wax la fiirsan karay, waxaa goobta yaalay maydkoodi burburay oo u safnaa qaabkii ay difaaca ugu jireen.

Waa arrin muujinaysa sida geesinimada leh ee Ciidamada Xabashidu ugu mitideen difaaca Magaalada Jigjiga.

Qaybta 2aad: Dagaalkii Buuraleyda Harar iyo anigoo noqday Taarwale

Kadib markii magaalada facaweyn Jigjiga ay gacanteena soo gashay oo laga xoreeyay Ciidamadii Xabashida, kuwaasoo runtii si weyn ugu mitiday inay difaacaan magaalada, ayaa dadweynaha Soomaaliya, sida aan ka dhagaysanay Idaacadaha, balad iyo baadiyo, farxad iyo damaashaad lagu soo dhaweeyay guushaas.

Intaa kadib, Ciidamadii waxay u dhaqaaqeen dhanka magaalada Harar, ayagoo toos u abaaray aagaggii Ciidamada Xabashidu uga jireen difaaca Harar.

Markii, dagaalku halkaas iyo heerkaas marayay ayaa annagoo ah tiro dhallinyaro, naloo xulay inaan aadno magaalada Saylac si aan u soo qaadano tababar xagga War’isgaarsiinta ah, ku saabsanaa raadiyeyaasha lagu wada hadlo loo yaqaan fooniyaha. Akhristoow, aan markale, ku xasuusiyee anigoo ku qoran (sida) qori boobe ah (Machine Gun) ayaan ka qaybgalay dagaaladii ka dhacay: Qabridaharre, Dhagaxbuur iyo Jigjiga.

Tababarkii Saylac kadib kuma noqon Ururki 15aad Qaybdiid ee Guutada 10aad ka timid Beledweyne, balse waxa la ii bedelay Guutada 34aad uu Taliye ka ahaa Gaashanle Dhexe Maxamuud Maxamed Liibaan (Aftooje).

Intaa wixii ka dambeeyay waxaan ku shaqeynayay xirfadda Taarwale aan uga qaybgalay dagaaladii buuraleyda Harar, laga bilaabo degaanka “Midda” ah meel ay ku badan yihiin beeraha Bunku, kadibna dagaaladii ka dhacay:

1) Ajasagoore,

2) Fandhaale

3) Kumbulsho iyo

4) Haramaayo – (Haramaayo waa halka uu ka dhacay dagaalkii lala galay Ciidamada Kubaanka).

Affarta goob-dagaal kor ku xusan, waxaan ka ahaa marqaati goobjoog ah, halka dagaalada ka dhacayay aagagga kale aan xaaladdooda, intooda badan, kala socday raadiyaha aan ku shaqeynayay.

Midda (Meda)

Akhristoow aan dib kuu celiyee, bishii Oktoobar 77 dhammaadkeedi ayaa tababarkii Saylac noo dhamaaday, kadibna waxaa naloo kala bedelay Ciidamada ku jira raca hore goobaha dagaalka, sida: Ajisagoore, Goray iyo meelo kale.

Annagoo labo ah waxaa nala ku reebay meel la yiraa Midda, halkaasoo laga sameeyay bar Taakulayn uu yaallo Saad (raashin) farabadan, noocyo kala duwan ah.

Labo maalin kadib, annagoo wali bartii Taakulaynta Midda joogna oo, markaas, hoos fadhina geed Bun ah waxaa yimid nin hoggaaminaya 24 Madaafiicda Goobta ah, aan ku xasuusiyee, aagga dagaalka darajo lama sito, haddii aadan qofka aqoon hore u lahayn, ma asagu uusan kuu sheegin qofka uu yahay iyo darajadiisa ma garan kartid.

Markuu na arkay ayuu gaaririgii uu saarnaa hor-socday Madaafiicda joojiyay oo kasoo degay, waraaq uu gacanta ku sitay ayuu fiiriyay oo yiri:

“Cilmi Maxamad Maalin waa kuma labadiina?” Waa aniga ayaan ugu jawabay.

Wuxuu ii dhiibay labo Raadiyo iyo laba qori AK-47 (Kalashnikova).

Wuxuu nagu yiri: “Labadiina midwalba ha qaato hal Raadiyo iyo hal qori”.

Wax xog ah intaas ka badan nama siin, waxaan raacnay gaarigiisii, anagoo deg degasan ayaan tagnay aagga Ajisagoora markaas dagaal aad u kulul ka socday.

Ajisagoora (Ejersa Goro)

Ajisagoora waa magaalada uu ku dhashay Boqor Haile Salassie, waxaa halkaas ka dagaalamayay nimankii la baxay libaaxyada Afrika oo isugu jiray komaandoos horay u deganaa iyo kuwii ka soo baxay Jigjiga.

Xaaladdii markaas goobta ka jirtay waxay ahayd in Ciidankeena dib lo soo riixay, isla markiiba Taliyaha Guutada 34aad oo ahayd Guutada aan labadeenu bedelka u nahay, Gaashaanle Dhexe Maxamuud Maxamad Liibaan Aftooje ayaa amray in Madaafiicda si dhaqsi ah loo diyaariyo.

Markaas saacaddu waxay ahayd 11kii barqanimo, labadii raadiye mid waxaa la dhigay rugta Madaafiicda, midkii kale waxa la geeyay barta hore laga hoggaamiyo Madaafiicda. Anigu waxaan joogay rugta Madaafiicdu taallo, halka barta hore hoggaaminta Madaafiicda loo diray saaxiibkey Cabdulaahi Axmed Shirwac (Taarwalihii kale).

Diyaargaroow muddo yar qaatay kadib 24kii Madfac waa bilaabeen fulinta waajibkooda. Kadib markii, qiyaastii, hal saac lagu garaacayay madaafiicda Komaandooskii Xabashidu waa ka baxeen dhufaysyadii ay kaga jireen Ajisagoora

oo ahayd Saldhiggii ugu weynaa laga difaacayay aagga buuraleyda Harar.

Fandhaale

Inta kadib, Guutadii waxay u dhaqaaqday dhanka degaanka Fandhaale oo ahayd waajibka dagaal Guutada kadib Ajisagoora.

Guud ahaan, degaanada buuraleydaa waxay ku fiican yihiin Difaaca, Fandhaale waa deegaan ka mid ah degaanada buuraleyda Harar oo Ciidanka Xabashidu adkeeyay Difaacooda. Guutada 34aad waxaa la socday Urur lagu xoojiyay, balse aan Guutada ka tirsanayn. Xilligii Boqor Hayle Salaasie Fandhaale waxay ahayd degaan Dalxiis, ku yaalaan beero baaxad weyn wax kastaa ka baxaan oo dadku, meel kasta, uga yimaado si ay ugu nastaan.

Runtii Fandhaale waa meesha qasaaraha ugu culus kasoo gaaray Ciidanka Soomaaliya, waxaa Guutada 34aad gaartay Fandhaale ayadoo qiyaastii ilaa 130 maydka Ciidankii Komaandooska Soomaaliya halkaas yaallo, waxay ahayd muuqaal xanuun badan, qofkii arkay ayaa fahmi kara saamaynta ay xaladdaasi dareenkiisa ku yeelan karto.

Intii aan joogay bartii Taakulaynta Midda ayaa nin, ii sheegay in darajadiisu tahay Sarkaal Xiddigle Xoogga Dalka, i weydiiyay:

“Reer Hiiraan miyaa tahay?” Haa, ayaan ugu jawaabay.

Aniguba reer Hiiraan ayaan ahay ayuu ii raaciyay hadalkiisa.

Waxaan filayaa inuu lahjadda hadalkayga ka fahmay inaan ahay reer Hiiraan.

Magaciisa ayuu warqad iigu qoray, kaygana wuu qortay, wuxuu igu yiri haddii aad maydkeyga aragto ku wargali reerkeyga iyo guud ahaan ehelkeyga, anniguna sidoo kale ayaan samaynayaa.

Markii aan nimid Fandhaale ayaa anigoo dhex maraya beer Bataati soohdin la leh beer aad u weyn, sida la ii sheegay uu lahaa Boqor Haile Salassie, ayaan soo kor istaagay maydki Sarkaalkii (Xiddigle) magaciisa warqadda iigu qoray, asagoo ka mid ahaa meedad badan halkaas yaalay. Wali waa xasuustaa magaciisa oo ahaa Cabdi Caddoow Maalin.

Markuu magaciisa i siinayay wuxuu ii sheegasy inuu ka mid ahaa Qaybta Ciiyaaraha Fudud ee kooxdii Horseed Ciidammada Qalabka Sida (CQS).

Kumbulsho

Degaanka 3aad dagaalka buuraleyda Harar uu ka dhacay waa Kumbulsho, annagoo mar kasta u sii dhawaanaynay halka aan duulaanka ku nahay oo ah Magaalada Caanka ah ee Harar, waxay Xabashidu halkaas isugu geeysay wixii Cudud iyo Cadad Ciidan u haray.

Kumbulsho waxay ka mid tahay meelaha sida weyn loogu dagalamay ayadoo labada dhinacba aan waxba la iskula harin, ugu dambayna guushu ku raacday Ciidankeena.

Intii dagaalka Kumbulsho socday ayaa la bedelay Abbaanduulihii Guutada 34aad Gaashaanle  Maxamed Nuur (Indha cadde) waxaa lagu beddelay Gaashaanle Maxamuud Kaahiye Barre (Lugagod).

kadib markii la dhaqaaji waayay Difaaca Xabashida ayaa la diyaariyay laba Horin Madaaficda culus “D30 122mm iyo BM21” isku-dar ahaa toban: 6 D30 iyo 4 BM21, kuwaasoo labo maalin duqayn aan kala go’ lahayn kadib, Ciidankii Xabashidu ka saaray aagga Kumbulsho.

Haramaaya

Kumbulsho kadib waxaa loo jihaystay xaggaa iyo dhanka magaalada Haramaaya oo ah halkii ugu fogayd (dambaysay) ay gaaraan ciidamadeena aagga buuraleyda Harar.

Degaanka Haramaaya aan wax badan ka fogayn magaalda Harar wax dagaal toos ah ma dhexmarin labada Ciidan Soomaaliya iyo Xabashida.

Waxaa si aan caadi ahayn, aan kala go’ lahayn nagu socday dagaalka dhanka Cirka (hawada). Waxaa muuqatay in qorshaha xulufadii u soo gurmatay Xabashida uu ahaa in duqaynta dayaaraha la kordhiyo inta Ciidanka dhulka xulufadu kasoo hawlgalayo.

Dayaaradaha cadawga dagaalkoodu wuxuu ahaa hal maalin oo xiriir ah, madaxa kor loo qaadi waayay, balse waxaa jirtay duqayn xagga madaafiicda ah oo nagu socotay, inkastoo aad moodeysay in madaaficda cadawgu aanay haysan yool toos ah ama hoggaamin sugan oo sheekadu u muuqatay xaggooda isaga rid iyo mashquulin inta gurmadka Xulufadu ka imaanayo.

Wixii markaas ka dambeeyay waxaa nala dagaalamayay Teknikadii Ruushka iyo Ciidamadii Xulufada u soo gurmatay Xabashida.

Kadibna waxay hawada nooga soo daadiyeen waraaqo ku qoran saddex luqadood: Ingiriis, Carabi iyo Xabashi.
Waxay ku hanjabayeen in mar dambe aanay Soomaalidu arki doonin Ciidan lug ah (infantry) la dagaalama Ciidanka Soomaaliya oo wixii, markaas, ka dambeeya dagaalku noqon doono mid loo adeegsado: Diyaarado, Taangiyo, Beebee, Madaafiic iyo Gantaalada Dhulka burburiya.

Saddex maalmood kadib Sareeye Guud Maxamed Cali Samatar – Taliyaha Xoogga Dalka – isla markaana, asagu, Dagaalka Hoggaaminayay ayaa soo diray Taar MPA (*).

Anigu waxaan ahaa qofkii taarkaas qabtay, wuxuu si gaar ah ugu socday Taliyaha Guutada 34aad Gaashanle Dhexe Maxamuud Maxamed Liibaan Aftooje, waxaana ku qornaa ereyo kooban oo dhahaya: “Imaaw meel aan ku wada hadli karno”.

Taliye Aftooje iyo aniga oo wadana Raadiyihii waxaan nimid meel uu yaalay baabuurka Taliye Aftooje, kadibna waxaan soo aadnay Ajisagoora, goob ay ku taalay Barta Taakulaynta Hubka iyo Rasaasta uu joogay Gaashaanle Dhexe Cabdullaahi Cali Cumar (Ina libaax san ka taabte).

Baabuurki ayaan meel dhiganay, kadibna waxaan fuulnay buur yar aan ka fogayn Barta Taalkulaynta, waxaan dhisay Anteenadii Raadiyaha, waxaan saaray Farakuwensadii Wasaaradda Gaashaandhigga si aan u xiriiriyo Jeneraal Samantar iyo Kornayl Aftooje. Wali ma hilmaamin lambaradii labadooda mid walba afgarashada u ahaa:

– Jeneraal Samatar lambarka: 01

– Kornayl Aftooje lambarka 310

Wada hadalkoodi wuxuu u dhacay sidaan:

– Jeneraal Samantar wuxuu yiri: “Caawa kadib hal Madfac iyo Baabuur aan leenahay kuma baryi karo Itoobiya, wixii aan socon karin ama la qaadi karin guba”.

– Kornayl Aftooje ayaa ku jawaabay: “Taliye irriddii Midda la soo mari lahaa waxaa ku xiran saddex rac kala dambeeya nooca Taangiyada Ruushka”.

– Jeneraal Samantar ayaa si canaan ka muuqato u weydiiyay Kornayl Aftooje:

“Ciidanka aad haysato awoodiisa ma taqaan? Xoog ku soo jeer irridda Midda”.

Wada-hadalkii labada Taliye intaas ayuu dhammaaday, isla goobtii annagoo joogna ayuu Taliye Aftooje ku amray Saraakiishii Taliyeyaasha Ciidanka Komaandooska inay u yimaadaan.

Muddo kooban kadib waxaa u yimid 3dii Sarkaal Ciidanka Komaandooska ugu sareeyay, wuxuu siiyay ammar ah:

“Irridda Midda habeen dambe waa inay furnaataa”.

Irridda Midda, haddii aan isku dayo inaan tilmaamo, waa waddo ama jid ay labada dhinac ka xigaan buuro dhaadheer, taasoo ah ciriiri aanay labo gaari isku dhaafi karin, isla markaana Taangiyada Xabashida nooca Ruushka ku jiraan ayagoo ah saddex rac kala dambeeya.

Waxaa habeenimadii yimid Ciidan badan Komaandoos ah ku hubaysan:

– Qoriga Basuuke

– Nooca rassaasta Basuuke gacanta laga tuuro

– Qoryaha Boobaha (Machine Guns)

– Bambooyinka gacanta laga tuuro

Kuwaasoo weerar kadis ah, isku mar dhacay, ku qaaday taangiyadii, kadibna waxaa is qabsaday holac, qiic iyo uuro, ayagooo aan garanayn meel loo yimid.

Waxaa muddo saacado ah la sugayay inta uu ka dhamaanayo qaraxa rasaasta ku jirta gudaha Taangiyada.

Sidaa waxaa ku burburay Taangiyadii xirayay waddada, kadibna waxaa yimid labo gaari Abraar nooca leh wiishka xoogan, kuwaasoo burburkii tangiyada ka leexiyay wada. Waxaa jidkii la furay soo maray baabuurtii jiidaysay Madaafiicda, ayagoo ilaa saqdii dhexe habeenkaas ku qulqulayay wadada, kadibna waaberigii gaaray degaanka Qulujeed.

Markii laga soo baxay aagaggii hore dagaalka gaadiikii dagaalka iyo hubkii cuslaa waxay mareen wadadii Midda (sida aan kor ku xusay), halka Ciidankii lugaynayay uu maray waddo qarda-jeex ah oo aada Koojaar iyo Jilacsani.

Taliye Aftooje wuxuu qaatay Baabuurkiisii wuxuuna maray wadadii Midda, Ciidanka Komaandoodku furay, asagoo toos u aaday Hargeysa.

Aniga iyo saxiibkeey Cabdulaahi Axmed Shirwac taarwalihii kale oo sidana Raadiyaashii waxaan ka mid ahayn Ciidankii lugaynayay ee la socday Abbaanduulaha Guutada Gaashaanle Maxamuud Kaahiye Barre (Lugagod).

Waxaan, habeen iyo maalin, lug ku soconay dhul buuraley ah, inta u dhaxaysa Ajisagoora iyo Koojaar, anagoo wadana qasacyo malaay (Tuuno) iyo kiish timir ah aan kusoo raranay dameer.

Ciidamada lugaynayay qof kasta intii awoodiisu u ogolaato ayuu soo qaatay qasacyo malaay (Tuuno) iyo timir.

Waxaan maalintii labaad Koojaar ugu nimid Taliye Aftooje iyo lix baabuur ari saaran yahay, halkaas ayey ciidamadii oo dhan isaga daba yimaadeen.

Waxaa, sidoo kale, koojaar yimid Ciidamo kala duwan, qaarba meel ka yimid, sida:

– Ciidan Boliis ah uu watay Kornayl Maxamed Cige Cilmi aan isku meel ka nimid.

– Ciidan badan Daraawiish ahaa uu watay Kornayl Faarax Rooti, ma garanayo Ciidankaasi aagga uu ka soo baxay.

Kadib markii Ciidamadii ka soo baxay dagaalka ay yimaadeen Koojaar waxaa loo diyaargaroobay in, inta laga guurayo Jigjiga, halkaas (Koojaar) difaac laga galo si loo joojiyo weerarka ciidamada Xaabashida.

Waxaa la saadaalinayay ama la malaynayay in Ciidamada Xabashidu ku imaanayaan saddex jiho, hase yeeshee waxay ku yimaadeen hal jiho, waqooyi kaga beegan magaalada Jilacsani, taasoo ahayd dhanka Lo’wanaaje.
Halkaas ayaa Ciidamadeenu xoogga saareen, waxaa nasoo weeraray Ciidamadii Xabashida oo kaliya, aanay la socon Xulufadii u soo gurmatay, balse ku hubaysan hubkii cusbaa Ruushka.

Dagaalku wuxuu bilaawday 4:00am (habeenimo), wuxuu socday ilaa ilaa 8:00 subaxnimo, intaas anagu difaac ayaan ku jirnay.

Hase yeeshe, 08:30 subaxnimo annaga ayaa weerar qaadnay ila aan Ciidankii Xabashida ka saarnay aaggii Lo’wanaaje, wuxuu ahaa dagaal xooggan oo weerar iyo weerar-celis ah.

Ayadoo dagaal culus markaas socday Lo’wanaaje ayaa la ii soo diray Barta Taliska Kulmiska Jigjiga ay Taliye iyo Abbaanduule ka ahaayeen Gaashaanle Sare Mohamuud Shiikh Cisman (Cirro) iyo G/le Dhexe Cabdi Salaad Cali, isla markaana ahayd Bar Taakulayn u diyaarsan habqabtirka Ciidamada dagaalamaya.

Sababta Jigjiga la iigu soo diray waxay ahayd ayadoo baahi weyn loo qabay batariyaasha Raadiyaha (fooniyaha) ciidamadu ku wada hadlaan.

Waa isla maalinta uu barxadda buurta Garabcase aan ka fogeyn Jigjiga ka dhacay xasuuqa 84ta askarti.

Waxaa la isoo siiyay gaari aan hawshaas ku fuliyo, intii la ii diyarinayay bartariyaasha ayaa aniga iyo darawalkii isla garanay in aan magalada (waa Jigjigee) u qado tagno, maadaama saacado badan aanan waxba cunin.

Isla muddadii aan joognay bartamaha magaalada ayaan maqalnay cod-baadiye gaari ku rakiban oo naadinaya in dhammaan askarta joogta magaalada ay ka baxaan oo ay tagaan goob loo cayimay, taasoo ahayd barxadda Buurta Garabcase.

Waxaa la filayay ama loo maleynayay in Wasiirka Gaashaandhigga Sareeye Guud Maxamed Cali Samatar oo markaas Jigjiga joogay, askarta u khudbeyn doono.

Markii aan kusoo noqday Bartii Taliska Kulmiska Jigjiga ayaa, aniga qudhayda, la igu amray in aan aado goobta la isugu tagayo, balse waxaan u sheegay in shaqadii aan u imid (batariyaasha) la ii diyaariyay oo aan safar iyo bixid diyaar u ahay, kadibna waxaa la i siiyay ammar cad oo ah in aan deg deg meesha uga tago.

Isla markiiba waa dhaqaaqnay, muddo yar kadibna waxaan maqalnay hugunka xasaasta culus ee goobtii la isugu tagay ka dhaceysay.

Sida ay sheegeyso xogta aan maqlay waxaa Jigjiga soo galay ama horay u joogay Ciidamo farabadan oo isugu jiray:

1-Kuwoo sabab dhaawac u yimid Jigjiga kadibna bogsaday, balse ka meermeerayay inay dib u noqdaan dagaalka.

2- Kuwo wali dhawac laga waadeynayo iyo

3- Ciidamo farabadan kasoo baxay aagga dagaalka, xaalad jirtay awgeed, kuwaasoo u badnaa Ciidamado uruuris ah iyo kuwa la qoray intii dagaalku socday oo aan lahayn tababar ciidan buuxa iyo aqoon ku filan xagga dishibiliinka iyo hab-dhaqanka suuban ee Askariga.

Anigu shaqsiyan waxaan shaki weyn ka qabaa in waqti ku filan aan la siinin baaritaanka iyo kala soocidda askartaas, ayadoo la qiimaynayo sababata ay Jigjiga u yimaadeen iyo xaaladda markaas jirtay.

Maalintii xasuuqu dhacay tii ku xigtay, intooda badan, Ciidanku Itoobiya waa laga soo baxay, markii aan sii mareynay Harta-Shiikh ayaa waxaa naga horyimid Gaashaanle Sare Mohamuud Shiikh Cisman (Cirro), asagoo markaas ku magacaaban Abbaandulaha Qeybta 26aad, wuxuu Abbaanduulaha Guutada 34aad Gaashaanle Maxamuud Kaahiye Barre (Lugagod) ku yiri: “Waxaan rabaa 2 Taarwale aqoon fiican u leh raadiyeyaasha”.

Anagoo labo Taarwale ah ayaan ku wareegnay gaarigii Kornayl Cirro, kadibna u noqonay Qabribayax, waxay ahaayeen 3 Kornayl hal babur wada saaran.

Intaas kadib, Gaashaanle Sare Cirro wuxuu toos u aaday Hargeysa, 3dii Sarkaal iyo labadeenni Taarwale waxaan u dhaqaaqnay dhanka Jigjiga.

Meel aan sidaa nooga fogeyn ayaan ugu tagny Guuto uu Taliye ka ahaa G/le Dhexe Axmed Maxamad Canshuur, ayadoo Abbaanduulaha Guutadu ahaa G/le Yasiim Nuur Gurxan, iska markaana Taliyaha Madaafiicdu ahaa G/le Dhexe Catiir.

Sida la fahmi karo, waxaa Guutada Qabribayax loo dejiyay in Jigjiga ay ka difaacdo weerar uga imaan kara dhanka wadada Jaygaa isku xirta Dhagaxbuur iyo Jigjiga.

Guutadu ma lahayn War’isgaarsiin, waana taas sababta Kornayl Cirro labadeena Taarwale noogu soo diray Guutada.

Goobta Guutadu degan tahay waa dhul bannaan ah, waxaa ku badan geedka la yiraa Galoolka u muuqaal eg Quraca.

Saddexdii Sarkaal (Canshuur, Catiir iyo Yaasiin Gurxan) iyo labadeeni Taarwale waxaa degnay geed Galool ah hoostiisa oo Raadiyiha iyo Anteenadiisa halkaas ku diyaarinay. Annagoo geedki hoos fadhina ayaa waxaa nasoo dhaafay ciidankii oo dhammaan ka soo baxay aaggii difaaca, G/le Dhexe Catiir ayaa fuulay geedkii kadibna degdeg uga degay asagoo dhahaya: “Waa nala qabsan rabaa”.

Waxaan, si deg deg ah, u fuulnay gaarigii Land Rover-ka ahaa, Anteenadii ayadoo geedki saran ayaan ka tagnay, waxaan aadnay dhankii noogu dhawaa oo lahaa geedo (hawd) lagu dhuuman karo, waxaa muddo na cayrsanayay gaari BeeBee ah.

Gaarigii geed hoostiis ayaan galinay annaguna dhinac kale ayaan ka galnay hawdkii. Markii gaarigii BeeBee-ga naga haray, wax yar kadib waxaa na dul yimid labo dayaaradood Mig ah oo muddo nagu dul meereysanayay, ayagoo marba meel wax ku ridayay, balse annaga iyo gaarigii midna waxba ma yeelin.

Intaa kadib, waa soo dhaqaaqnay, markii aan mareynay Harta-Shiikh waxaa naga hor yimid Kornayl Cirro, ayadoo wajigiisa caro xoog leh ka muuqato ayuu la hadlay Kornayl Canshur, waxay ku wada hadlayeen Afka Ruushka.

Kornayl Cirro wuxuu sii aaday xaggaa iyo dhanka Qabribayax anaguna waxaan aadnay dhanka Hargeysa, markii aan maraynay degaanka Allaaybaday labadii Kornayl (Canshuur iyo Catiir) waxay toos u aadeen Hargeysa, waxaa meeshi (Allaybaday) ku haray G/le Yaasiin Gurxan iyo labadeeni Taarwale.
G/le Yaasiin Gurxan wuxuu labadeeni Taarwale nagu yiri: “Raadsada Guutadii aad tirsanaydeen”. Halkaas ayaan ku kala tagnay G/le Yaasiin iyo labadeeni Taarwale.

Annagoo wali goobtii taagan ayaa, wax yar kadib, waxaaa noo yimid Kornayl Boolis ah Maxamed Cige Cilmi aan hal aag dagaalka uga wada jirnay, isku marna kasoo wada baxnay. Aniga, si gaar ayuu Kornaylku ii yaqaanay, waayoo intii aan ku jirnay dagaalka ayaan qaar ka mid ah askartiisaa baray isticmaalka Raadiyaha.

Kornayl Maxamed Cige Cilmi wuu na qaaday asagoo na geeyay meel la yiraa

Garka-Yogolka oo Hargeysa aan ka fogayn, waxaa halkaas deganaa Isgaarsiinta Qaybta 26aad Xarunteedu tahay Hargeysa.

 Si wanaagsan oo mudnaan sare leh ayaa Kornayl Xasan Komaandoos Madaxii Taakulaynta dhanka Isgaarsiinta Qaybta 26aad halkaas noogu soo dhaweeyay.

Casho fiican aanan muddo cunin ayuu na siiyey, kadibna u yeeray yeeray G/le Indhacade ahaa Madaxa Isgaarsiinta Qeybta 26aad.

G/le Indhacade wuu na qaaday, wuxuu na geeyay magaalo yar oo la yiraa Arabsiya, lacag ayuu na siiyay hotelna wuu na dejiyay, asagoo nagu yiri:

“Halkaan caawa seexda, berri 10ka subaxnimo ayaan idiin imaanayaa”.

Sidii balanku ahaa subaxdii ayuu G/le Indhacade naga qaaday Arabsiya, wuxu noo geeyay Guutadi 34aad aan ka tirsanayn, markaaas, la isugu keenay Gabilay, ayadoo ka soo bixiddii Itoobiya qolaba wado gaar ah ku timid.

Waxaan Gabilay sii joognay 3 todobaad (usbuuc) ilaa laga hubiyo in ciidamadu kasoo dhamaadeen dalka Itoobiya.

Bilowgii April 1978 ayaan u guurnay Burco, kadibna Guutadeeni 34aad waxaa la dejiyay inta u dhaxaysa Ceeg, Dharkeyn-geeye iyo Lebi-sagaale, dhulkaas ballaaran ayaa la keenay labo Guuto kale, sidaana waxaa ku dhashay Gaaska 3aad Burco.

Waxaa 9kii April 1978 Gaashaanle Sare Cali Ismaciil Maxamed loo magacaabay Taliyaha Gaaska 3aad.

Gaasku wuxuu isku ballaariyey inta u dhexeysa Burco, Laascaano ilaa laga gaaro Magaalada Oodweyne iyo xuduudda.

Intaa kadib, aniga iyo rag kale waxaa naloo diray Hargeysa si aan u soo qaadano tababar Raadiyaal cusub markaas Ciidamada loo keenay.

Markii Tababarki noo dhammaaday aniga waxaa la ii bedelay Saldhigga 8aad Ciidanka Cirka Berbera, sidaana waxaa ku soo xirmay ka tirsanaanteydi Ciidanka Dhulka Soomaaliya (Somalia Ground Force).

Markii dagaalka laga soo noqday ayaa lay siiyayi dalacaad ah: “Dable u dalacay Saddex Alifle”. Muddo kadib waa la iga bedelay Saldhiggii Berbera oo lay bedelay “Barta Hoggaminta Radarka Beledweyene” ahayd halkii aan saddex sano ka hor ka qortay Ciidanka.

Isla xilligaas, mar uu halkaas (Beledweyne) kormeer ku yimid Sareeye Guud Maxamed Cali Samatar ayuu soo booqday Barta Hoggaminta Radarka Beledweyene,

anigoo shaqeynaya ayuu i soo kor istaagay, waa salaamay kadibna waa i wareystay,

waxaan uga sheekeeyay dagaalkii 77 iyo wixii aan waaya-aragnimo ka kasbaday dagaalkaas bilaaw ilaa dhamaadkii.

Saraakiishii la socotay ayuu ku yiri: “Wiilkaan oo kale ayaa Ciidanku u baahan yahay”.

Kadibna, intuu i soo fiiriyay ayuu igu yiri:

“Waxaan kuu dalacsiiyay darajada aad sidato midda ka sareysa ee labiso”.

Waa darajada “Xarigle” Soomaalidu u taqaan Isbatoore.

Waxaan Rabbi ugu mahadinayaa inaan ka badbaaday wixii goob dagaal aan taagnaa, maantana aan fursad u helay in, 47 sano kadib (2024-1977), aan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan, intii fursad u hesha, la wadaago qormadaan aan Cinwaanka uga dhigay “Xogwaran kooban Dagaalkii 77” – runtii waa mid kooban oo dulmar ah, taasoo muddo dheer maankeyga ku kaydsanayd, walina iigu muuqata sidii wax dhacay shalay ama dorraad.

Ma aha wax sahal lagu iloobi karo, bal waa qaybta ugu mudan taariikh-nololeedkeyga, waayoo marka ay igu soo maaxato xasuusta dagaalkii 77, waxaan dareemaa inaan daawanayo filim aan anigu attoore (arbo) ka ahay.

Sidoo kale, waxaan hubaa in ay wali nool yihiin tiro badan ka qaybgashay dagaalkii 77, waxaan rajaynayaa in qormadaani noqoto ibafurka silsilad tixaan gudbinaysa xog dheeri ah ku saabsan aagga dagaalka aan ka hadlayo iyo aagagga kale intaba.

 FIIRO GAAR:

(*) “SOS iyo MPA” waa labada heer ama hab ugu sareysa xagga mudnaanta diridda taararka:

1- “SOS”: waa midka heerka 1aad waxaa loo isticmaalaa dalab gurmad badbaado

 deg deg ah.

2- “MPA”: waa midka heerka 2aad waxaa loo isticmaalaa fulinta hawl mudnaan sare leh. Aan kuu xasuusiyee waa midkii Jeneraal Samatar isticmaalay markii uu dalbanayay in asaga iyo Taliyaha Guutada 34aad Aftooje wada hadlaan.

“SOS iyo MPA” waa labo oraah ka kooban erayo la soo gaabiyay (acronym or initials), kuwaasoo ka soo kala jeeda Afka Ingiriika iyo midka Talyaaniga:

– SOS: “Save Our Soul”

– MPA: “Massima Precedenza Assoluta”, loo tarjumi karo “Maximum Top Priority”.

3) Darajada Saraakiisha qormada ku xusan waxaa ka mid ah:

– Sareeye: Janan (General)

– Gaashaanle Sare loo qoro: G/le Sare (Full Colonel)

– Gaashaanle Dhexe loo qoro: G/le Dhexe (Lieutenant Colonel)

– Gaashaanle loo qoro: G/le (Major)

– Dhamme loo qoro: Dh/me (Captain)

– Laba Xiddigle loo qoro: L/x/le (Lieutenant)

– Xiddigle loo qoro: X/le (Second Lieutenant)

4) Waxaa dhici karta in Saraakiisha qormada ku xusan, qaarkood, darajadooda ciidan ee xilligii dagaalka 77 aanay ii saxnayn oo wax iga qaldan yihiin, waayoo ma jirin cid darajo ciidan labisan.

Guul iyo Gobannimo

Cilmi Maxamad Maalin (Cilmi Garweyne)

Tel: 004479732741856

London

Leave a Comment

Array

Related Articles

English News

Facebook Feed

Articles