Xukuumada Soomaaliya oo dhambaal cusub udirtay Alshabaab

Xukuumada Soomaaliya ayaa kudhawaaqday iney furan yihiin albaabada wadahadalada hadii ee joojiyaan falalkooda argagaxisnimo ee wax lagu yeeleenayo shacabka.

“Hadii aan nabad ku heleyno oo dadkeena dilka iyo qaraxyada laga joojinayo, waan soo dhaweyneynaa, waxaana diyaar u nahay nabadda, waxaan mar kale ugu yeereynaa wiilasha la qalday iyo odayaasha Khawaarijta ee caqiidadu ka xumaatay, inay jidka saxda ah ku soo toosaan, waxaan balan-qaadeynaa in dagaal shakhsi ah aanaan kula jirin ee taargadkeenu uu yahay caqiidada qaldan ee Khawaarijta,” ayuu yiri Xamza Barre.

Ra’iisul wasaaraha oo sii hadlayey ayaa yiri, “Dagaalka oo kaliya xal nooma aha, dagaalka waxaan ku raadineynaa nabad, laakiin xalka ugu dambeeya wuxuu noqon doonaa wadahadal iyo isku imaansho, in la is qanciyo ayuu xalkeenu kuma jiro dil iyo is qarxin, qofku marka hore dambiga gacanta ha kala baxo, markaas kadib ayey toobadu u furan tahay.”

Ra’iisul Wasaaraha oo maanta Muqdisho ka daahfuray shirka Mabaadii’ida Nabadda Soomaaliya ayaa cadeeyey in dagaalka ay dowladda Soomaaliyeed kula jirto kooxaha Khawaarijta ah uu yahay nabad raadin.

“Dagaalka aan kula jirno Khawaarijta asalkiisu waa nabad raadin, anagu waxaan nahay nabadoono, qof in la dilo hadal nooma aha, nabadda ayaan ku haminaa, ragga hadda duurka ku jira, hadii ay ka soo laabtaan fikirkaas qaldan waa walaalaheen, waana soo dhawey doonaa,” ayuu yiri R/Wasaaraha Soomaaliya.

Xamsa ayaa sidoo kale hoos ka xariiqay inuu si wanaagsan xukuumadiisa ula dhaqantay dadki hore isaga soo dhiibay 

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles