Xuutiyiinta dalka Yemen oo weerartay markab laga leeyahay dalka Shiinaha markabkaas oo marayay bada cas

Markab shidaal laga leeyahay dalka shiinaha balse ku socdaalayay calanka Panama ayaa weerar culus kaga yimid kooxda xuutiyiinta Yemen kadib marka ey shan gantaal oo nuucoodu yahay ballistic lagu soo riday markabka.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay baahiyeen taliska dhexe ee ciidanka Mareykanka,   Markabka ayaa la sheegay in uu asiibay mid ka mid ah gantaalada inuu ku dhacay kaaso dhaliyay dab ka kacay qayb ka mid ah markabka, oo si dhaqso ah loogu guuleystay in la damiyo, wuxuuna sii watay socdaalkiisa, sida war-saxaafadeed lagu sheegay.

Weerarka markabkan la sheegay in laga leeyahay Shiinaha ayaa ku soo aaday , xilli la sheegay Xuutiyiinta inay heshiis caalami ah la gaareen Ruushka iyo Shiinaha.

Heshiiskaasi ayaa higayay inaysan weerarrin maraakiibta labada dal laga leeyahay iyo kuwa xiriirka la leh oo dekedahooda ku socda , halka Xuutiyiinta ay ka helayaan taageerro caalami ah labadan dal ee codka qayaxan ku leh Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles