Xuutiyiinta oo quusiyey markab laga leeyahay Britain oo ay weerareen

Xoogagga Xuutiyiinta ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan dejinta maraakiibta Britain laga leeyahay ee maraya Badda Cas.

Arrintan ayaa imaneysa kaddib markii sawir lagu qaadey satellite uu muujiyey markab nooca xamuulka ah oo Ingiriisku leeyahay, kaas oo ay Xuutiyiintu weerareen kaddibna uu badda ku degey.

Haddaba arrinkani saameyn intee leeg ayuu ku yeelanayaa bedqabka maraakiibta Ingiriiska, mase saameyn doonaa dhaqaalaha Britain oo iminka uun kasoo kabanayey saameyntii xanuunkii COVID-19 iyo dagaalka Ukraine oo labaduba si ba’an u saameeyeen dhaqaalaha Britain iyo meelo badan oo caalamka ah.

Wariyaha VOA ee Yurub Cabdixaafid Cawil Ismaaciil ayaa arrinkan ka wareystay Eng Ahmed Abti-doon oo ah falanqeeye deggan magaalada Sheffield ee dalka Britain.

 

VOA

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles