Yaa ka caawiyay Madaxweyne Ruto helida diyaarada raqiista

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa Khamiistii sheegay in lacagta ku baxday diyaarad khaas ah oo uu u isticmaalay safarkii uu ku tegay Mareykanka toddobaadkii tegay ay aheyd $76,000, oo aysan aheyn $1.2 milyan sida ay weriyeen warbaahinta Kenya.

Ruto ayaa sheegay in dal saaxiib la ah Kenya uu u yaboohay diyaarad raqiis ah kadib markii uu raadin sameeyey islamarkaana uu ka fakaray inuu isticmaalo diyaaradda dalka ee Kenya Airways.

Madaxweynaha ayaa toddobaadkii tegay Mareykanka ku tegay booqasho qaadatay afar maalin, halkaasi oo madaxweynaha Mareykanka ee marti-qaaday Joe Biden oo ku ammaanay “hoggaankiisa geesinimada leh.”

Wafdiga Ruto oo ka koobnaa ilaa 30 qof, oo ay ku jireen fannaaniin, jilayaal iyo majaajiliiste, ayaa ka caraysiiyay shacabka Kenya, sababo la xiriira qiimaha ku baxay, xilli uu isaga ku baaqay in la xakameeyo kharaashaadka.

Madaxweynaha ayaa Khamiistii sheegay inuu aad u ahaa “hoggaamiye mas’uul ah.”

Ruto ayaa goor sii horeysay sheegay inuu isticmaalka diyaarad khaas ah uu ka kharash yaraa inuu ku duulo diyaaradda Kenya Airways, isaga oo aan bixin caddeymo.

Ruto ayaa ku baaqayay in la dhimo kharashaadka ku baxa dowladda tan iyo markii shacabka ay ku cambaareeyeen maamulkiisa inuu kordhiyey canshuurta iyadoo aan la dhimin kharashaadka.

Dawladda ayaa kordhinaysaa cashuuraha badeecadaha aas-aasiga ah sannad maaliyadeedka soo socda iyadoo raadinaysa inay hesho $2.3 bilyan oo dheeraad ah si loo maalgeliyo miisaaniyadda.

Horaantii May, Ruto waxa uu difaacay canshuuraha cusub isagoo yiri: “Ma doonayo in aan madax ka noqdo dal ay ka jirto dhibaato deyn ah. Waa inaan dhimnaa kharashaadkeena.”

AP

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles